shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hoos u dhaca dhaqaale ee dunida saameyay iyo shirka wadamadda G8.

(Talyaaniga.  July 08,  2009 Ceegaag Online)

Hogaamiyayaasha 8-wadan ee ugu dhaqaalaha iyo warshadaha badan caalamka ayaa maanta oo arbaca ah waxay kulan ku yeelanayan Magaalo ku taalla wadankaasi talyaaniga waxaana kulankooda hareynaya dooda hoos u dhaca dhaqaalaha dunida iyo saameynta wadamadda hourmaray ee caalamka.
 
Saddexda berri ee ay socdaan wadahadaladda iyo kulanka looga munaaqashoonayo hoos u dhaca dhaqaalaha dunida ayaa la isla soo qaadaya sidii loo heli lahaa suuq weyn oo macaasha oo ka dhexeeya dalalka horumaray iyo Cimiladda dunida oo sii kululanaysa(Global warming) iyo ka hadalka ganacsi caalami ah iyo Nuclearka Iran's.
 
Raysalwasaaraha Talyaaniga Silvio Burlesconi aya kulanka ku furaya su'aasha najaxaada ee ah arrinta la falanqaynayo ee dhaqaalaha dunida iyo sidii loo maareyn lahaa hoos u dhaca dhaqaalaha dunida ee saameyay dunida gaar ahaan wadamadda horumaray waxaana shirka marti u ah wadamadda loo yaqaan G-8.
 
Shirka maanta oo ah arbaca waxaa uu ka dhacaya magaaladda L'aQu'ila oo ah magaalo ku taala bartamaha Talyaaniga halkaasi oo sanadkan horaantiisi burbur xoogan u geystay dhulgariir khasaare badan geystay waxaana inta shirku socdo la isla gaaraya qodobo halgan balaaran loogu jiro oo ah sidii loo kobcin lahaa dhaqaale burburka (Financial Crisis) dunida saameyay.
 
Khabiiradda ku takhasusay arimaha dhaqaalaha ayaa soo jeedinaya samaynta siyaasada ah inuu liito dhaqaalaha dunida iyo koboca horumarka xaga warshadaha iyo shirkadaha maalgelineed iyadoo laga cabir qaadanayo wixii awal saameynta iyo hoos u dhaca keenay iyo in kor loo qaado Graph ka liita ee dhaqaalaha caalamka.
 
Dadka maanta shirka ka hadlaya waxaa ka mida Raysalwasaaraha Britain waxaana uu wakaaladda wararka ee reuters u sheegay"Aduunku wuxuu ku baraarugay graphka liita ee hoos u dhacay xaga koboca dhaqaalaha dunida waxaana diiradda la saaraya Dib-u bilaabid koritaan".
 
Maraykanka,Japan iyo france ayaa soo bandhigaya xeelado cusub iyo koritaanka dhaqaale balaaran ee Yurub jarmalka ayaa isna soo jeedinaya talo ku aadan siyaasadda kor u qaadida dhaqaalaha wadamadda soo koraya.
Hogaamiyayaasha G-8 ayaa si xun u qiyaasay dhibaatadda dhaqaale ee soo wajahday markii ay sanadkii hore ku kulmayen Japan maanta oo arbaca ah shirkani waxaa lagu soo bandhigi dona waxqabadka iyo waxa laga bedelay Hoos u dhaca dhaqaalaha ee saameynta yeeshay.
 
Si kastaba ha ahaate gorfaynta saameynta dhaqaalaha caalamka ee hoos u dhacay waxaa lagu gorfeyn karaa isna shirka wadamadda G20 oo ah mid kan ka duwan kaasi oo isaga la filayo in dhawaan la qabto waxaana ka qaybgelaya wadama badan oo ka kala imanaya Qaaradaha Africa iyo Australia balse su'aashu waa shirkani maanta ahmiyad intee le'eg u leeyahay wadamadda dhaqaale burburku ku yimi?.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com