shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

G8 oo u qorsheeyay wadamadda saboolka ah $20 billion oo Gargaarka beeraha ah.

(Talyaaniga.  July 10,  2009 Ceegaag Online)


 
Magaaladda L'Quila ee bartamaha talyaaniga waxaa ka soconayay shirkii ay yeelanayen 8 wadan ee ugu taajirsan uguna warshada badan caalamka oo ay ka mida ahaayeen, Maraykanka, Ruushka,Canada, France, Germany, Talyaaniga, Japan, Britain sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay shirka wadamadda Mexico,Koonfur africa iyo India iyo waliba wafdi ka socda wadanka Denmark maadaama lagu qabanayo shirka dhaqaalaha bisha septemper waxaana shirka si aada loogu faaqiday:-
 
1-Cimiladda aduunka(Global warming)
2-Ganacsiga Caalamiga ah(International trade)
3-Arrimaha siyaasadda gaar ahaan Nuclearka.


Cimilada aduunka ee sii kululaanaysa ayaa waxaa wadamadda India iyo china lagu cadaadiyay inay hoos u dhimaan qiiqa warshadaha ee hawadda lagu sii daayo taasi oo ah talaabo hoos loogu dhigayo farqiga degree Celcius iyo kan Ferhiet ee hawadda per day lagu sii daayo siiba warshaddaha labadda dal waxaana shirka aan joogin wafdiga China oo isagu madaxweynuhu wadankiisa dib ugu laabtay ka dib qalaaso ka socda taasi.


Maanta oo jimce ah shirka ayaa looga dhawaaqay in wadamadda G8 qorshaha ugu jirto 20$ million oo deeq lagu taageerayo gargaarka horumarinta beeraha wadamadda saboolka ah iyo qaramadda faqiirka ah si ay ugu horumariyan tacabka beeraha taas oo ay ku quudinayaan horumarinta bulshadda.
 
Socdaalka ugu horeeya ee madaxweyne Obama ku tagayo africa gaar ahaan wadanka ku hormaray dimoqraadiyadda ee ghana ayaa uu ku cadaadinaya sidii loo maalgelin lahaa dhaqdhaqaaqa tacabka beeraha ee qaaradda africa taasi oo maamulka madaxweyne obama $3.5 billion ugu deeqayo barnaamij saddex sanadood ah.
Obama ayaa yiri africa waxay haysataa kheyraad ku filan oo ah maalgelelinta Tacabka beerashadda ee dhulka dihin waraabka iyo qalabka beeraha waxay gaarsiin karaan soo saarista dhaqaale cusub iyo horumarinta dakhliga wadamadda africa iyadoo shirka wadamadda G8 la balanqaaday in la gacan qabanayo qaaradda africa laakiin hogaamiyayasha africa ayaa u sheegay wadamadda dhaqaalaha leh maalgelino cusub.
 
Madaxweynaha wadanka South-Africa Jacob Zuma oo ka hadlay madasha shirka ayaa yiri"Waa talabo horay loo qaaday" caawinta africa iyo in wax loogu daro"ma dhihi karno waa wax nagu filan laakin kaliya waxaan ku qabsan karnaa waxyaalo adag".
Sidoo kale wasiirka beeraha wadanka Nigeria Abba Ruma ayaa sheegay in kharasha beeraha iyo horumarintooda loogu balanqaaday shirka wadamadda G8 uu yahay mid wax weyn ka bedelayan horumarintoda balse loo baahanyahay in fiiro dheer loo yeesho ku qotonka Kheyraadk marka loo eego sicir bararka dunida.
 
Qaramadda midoobay ayaa sheegtay in tiradda dadka nafaqo daradu haysato kor u keceen sanadihi ugu dambeeyay 1.02 billion ayaa la filaya inay kor usii kacdo tiradda dadka la ildaran nafaqo daradda dunida iyo 103 million oo iyana gaajo iyo macaluul soo ridatay kor u kaca sicirka dhaqaalaha dunida awgiisa kooxaha samafalayasha sida barnaamijka Cuntadda aduunka(WFP) ayaa sheegaya in deeqsinimadda shirka wadamadda G8 ee $20 billion tahay wax weyn.
 
Cadadka saddexda sano ee isbarbardhiga 13.4 billion ee shirka G8 ayaa dhahay waa mid diyaar u ahayd inta u dhaxayset January 2008 ilaa Jully 2009 laakiin tan hadda ee cusubi waa qorshe la helay talyaaniga ayaana si cad diiradda uga qaaday.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com