shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Filibiin oo ku yaboohday Deeq Lacageed oo somalia wax looga Qabanayo.

(Filibiin.  July 25,  2009 Ceegaag Online)

Dhibaatadda ka taagan somalia wadamo badan oo caalamka ah ayaa waxay gacan ka gaysteen deeq lacageedyo wax looga qabanayo xaalada Murugsan ee ka taagan Somalia Dawladda Filibiin ayaa ugu dambeysay dawladihi Deeqaha dhaqale ugu yaboohay Somalia.


Haweenayda ah Madaxweynaha dalka Filibiin Gloriya Mkapagal Arrooya ayaa qalinka ku duugtay kharash maaliyadeed oo ka soo baxay bangiga Dalka fibiin kaas oo loogu sii dhiibayo somali Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa kharashkani ayaa gaaraya 20,000$ taasi oo loogu talagalay sidii qaramadda midoobay wax uga qaban lahayd dib u dhiska ha'adaha Dawladda Taagta daran ee somalia.
 
Ka dib deeqdaasi ay soo gudbisay khasnadda maaliyadda dalka Fibiin ayaa waxaa war qoraal ah ka soo saaray wasaaradda Arrimaha Dibadda ee filibiin iyadoo qoraalkani hoosta looga xariiqay in deeqdani maaliyadeed ay wax badan ka kaafiyi doonto dawladda somalia ee la liicliicaysa hagardaamadda kooxaha Diinta ku dagaalamaya iyadoo sidoo kale lagu sheegay qoraalkani inay wax ka tari karto deeqdani dadaalka loogu jirol ciribtirka Burcad badeeda oo ka mida waxyaabaha uu dhaliyay burburka somalia.
 
Muwaadiniin u dhalatay dalkaasi Filibiinayaa saaran Doonyo iyo Maraakiib burcad badeed somalia ah ku haystaan xeebaha somalia waxaana deeqdani imaanaysaa xili hadalo badan iyo qaylo dhaan ku aadan somalia ay beesha caalamku soo saartay.
www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com