shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Daroogadda Nooca ismiidaminta oo laga keenay koonfurta somalia oo maanta ay gubeen ciidamadda amaanka Puntland.

(Garoowe.  July 13,  2009 Ceegaag Online)


Ciidamadda Amaanka ee dawladda Puntland ayaa maanta ku gubay 5005(shan kun iyoshan xabo) oo daroogo ah gaar ahaana nooca irbadda ah ee laga qaato xididka bani'aadamka taasi oo la sheegay inay tahay nooca loo adeegsado weeraradda Ismiidaaminta ee ay fuliyaan kooxaha ka daagalamaya Koonfurta Soomaliya sida ay sheegeen saraakiisha ciidamadda amaanka Puntland iyadoo daroogadan la qabtay labba sano ka hor intaasi oo dhana ay heysay Maxkamadu.
 
Daroogadani maanta ay gubeen ciidamadda amaanka ee puntland ayaa waxa la qabtay xili la doonayay in gobolka nabadda ah puntland la soo gasho waxaana la sheegay in laga soo buuxiyay joog la sheegay inuu ku jiro OODKAC taaso laga keenay koonfurta Soomaaliya loona sii waday sida laamaha sirdoonku shaaciyeen wadanka aan dariska nahay ee YEMEN.
 
Waxaa gubitaanki ka dib saxaafadda ugu waramay Xeer ilaaliyaha gobolka bari Axmed Taaraan oo ka waramayay amarka ay maxkamadda bosaso ku riday daroogadda iyo ninka watay isagoo sheegay in labbo sano oo xarig ah lagu xukumay ninkii watay daroogadani isla markaana uu xabsigi soo dhamaystay waxaana gubitaanka daroogadani goob joog ka ahaa Saraakiisha laamaha amaanka iyo maamulka gobolka bari iyadoo lagu gubay xeebta magaaladda bosaso.


Sidookale Taliye ku xigeenka ciidamadda booliiska puntland Maxamed siciid jaqanaf oo kahadlayay saameynta arrintani ku cusub puntland ayaa tibaaxay inay tahay khatar ku cusub mujtamaca isagoo shegay in daroogadani tahay nooca xididka laga qaato oo uu dareenku kaa tagayo isagoo intaasi raaciyay in laga qaado in qofku u waasho oo uu shakhsigu ku waasho isticmaalkeeda iyadoo buu yiri cirbada xididku tahay waxa loo adeegsado ismiidaaminta xili la siiyo waxmagaradka intii aanay fulin hawlgalka.
 
Dhanka kale maamulka magaalada Garowe ayaa bilaabay hawlo lagu hagaajinayo wadoonka waaweyn ee magaaladda garoowe waxaana hareeraha wadoonka tubnaa gaadiidka qashinka iyo qalabka xaarida ah ee Cagaf cagafta waxaana sidoo kale magaaladda garowe laga dareemaya dardarta arrimaha amaanka iyadoo hawlgalo dhawr ah oo ay fuliyeen ciidamadda amaanku ku xasiliyeen xaaladaha amaanka ee magaaladda caasimada ah waxaana jira ciidamo cusub oo gaaraya 800 oo askari oo si gaara loogu tababaray sugida amniga caasimadda.

 
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com