shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalkii W/Muqdisho oo sii socda iyo Dhaawacyo Harqiyay Cusbitaaladda Muqdisho.

(Muqdisho.  July 04,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa weli halkisi ka sii socda dagaaladda safeynka ah ee ka soconaya magaaladda caasimada ah ee muqdisho waxaan dagaaladu iminka ku si fideen aagag hor leh iyadoo dagaalka ka soconaya waqooyiga muqdisho uu yahay mid ka socda aaga hore ee Degmadda kaaraan waxaana  dhici karta in dagaalku noqdo midki ugu cuslaa ee ka dhaca magaaladda muqdisho maalmahan iyadoo xoogaga mucaaradku joogaan deeganka beexaani oo ku yaala isla aagaga degmadda kaaraan ma muuqato horumaro laga sameeyay aagaga dagaalka labadda dhinac balse shalay ayaa waxaa la durkiyay ciidamadda DFKMG ah ee ku sugnaa meel u dhaw saldhiga Kaaraan ee magaaladda Muqdisho.

Labada dhinac ee dagaalamaya ayaa midba kan kale ku eedeynaaya inay dadka ku ridayan madaafiic, hase yeeshee dadka rayidka ah ayaa u muuqda kuwo ka cararaaya goobaha ay dirirtu ka socoto.

Dagaalkaan ayaa ah mid ay labada dhinac ku sheegayaan in qolada kale ay adeegsanayso dagaalyahano ajaaniib ah, iyadoo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay ku doodayaan inay la safan yihiin  Ciidamo afrikaan ah oo aan Soomaali ahayn, iyadoo dhinaca dowladana ku doodayaan in dagaalyahano Ajaanib ah ay ka bar bardagaalamayaan kooxaha Mucaaradsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegyaan in dagaalku haatan xoogiisu uu yahay mid ka soconaaya Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, waxaana la maqlaayaa tan ilaa xalay rasaas culus oo ay labada dhinac isweydaarsanayaan.

Dagaalku dhibaatada uu shacabku ku hayo waa mid muuqata waxaa la dhigay saacadihi ugu dambeeyay Cusbitaal madiina ee magaaladda muqdisho dhaawac garaya 60 qof oo ku dhaawacmay dirirta dhexmaraysa labadda dhinac ee dagaalamaya barakaca ayaa aad ugu baahay magaaladda muqdisho waxaana badi dadkani ku dhaawacmen duqayn ay ciidamadda AMISON ku garacayan xaafado dad rayid ah deganyihiin.

Dhanka kale dagaalada muqdisho waxaa ku dhintay Qaar ka mida wariyayaasha ka hawlgala idaacadaha muqdisho Alla ha u naxariiste  Wariye max’ed Yuusuf Niiniile oo ka tirsanaa Wariyayaasha Idaacadda Qur’aanka Kariimka (I.Q.K) ee Magaaladda Muqdisho.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com