shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cuduro soo foodsaaray Ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya ka hawlgala.

(Muqdisho.  July 23,  2009 Ceegaag Online)

Ciidamada AMISON waxaa ka jooga somalia ciidamo tiradoodu gaarayso 4000 oo askari kuwaasi oo qeyb ka ah Ciidamadda Nabad ilaalinta ee Midawga Africa ee ka hawlgalaya somalia waxaana ciidamadasi Dagaalo kula jiraan kooxo doonaya inay majo xaabiyaan Dawlada Somalia Hadaba taliska Ciidamadda Amisom ayaa sheegay in ciidamadasi ay iminka soo foodsaareen Cuduro aan la garanayn waxa ay yihiin kuwaasi oo qaar ka mida askartu u dhinteen halka tiro kalena iyagoo cuduradasi la ildaran lagu daweynayo Cusbitaalo ku yaala Kenya saddex ka mida ayaa u dhintay halka 16 la qaaday.
 
Ciidamadaan soo foodsaaray xanuunka ayaa ah kuwa ka socda dalaka Burundi, lamana oga waxa ay ku sumoobeen ciidamadaasi oo haatan ay qaarkood u dhinteen xanuunkaasi, islamarkaana qaar kale oo ciidamadaasi ah lagu dabiibaayo dalka Kenya.


Major Barigye Bahoku afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay been tahay in Ciidamadaasi ay sumoobeen, wuxuuna sheegay inay arrintaasi waxba ka jirin, balse la baarayo xanuunka ku soo booday ciidamadooda oo uu sheegay inay isagu la tahay in wax qaniinay ay tahay oo kaliya.


Ciidamada Midowga Afrika, ee jooga Soomaaliya ayaa baaraya sababta keentay xanuun ku dhacay ilaa 16 askarta AMISOM ee reer Burundi oo laga soo duuliyey Muqdisho iyagoo xanuunsanaaya.


Isku soo wadda duubo waa markii ugu horaysay ee ciidamadani ka hawlgala somalia ee ka socda Midawga Africa uu soo rito laguna arko cudur noocaani oo kaleeto ah saraakiisha ciidamadda AMISOM ee somalia ayaa baaraya waxa kalifay cudurkaani.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com