shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Biyo la'aan saameyn balaaran ku yeelatay Reer guuraaga Gobolka Sanaag.

(G.Sanaag.  July 08,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo inta badan goboladda somalia uu ku yaraa Roobki di'i jiray wakhtiyada Gu'ga ayaa waxaa isa soo taraysa cabashooyinka iyo qaylo dhaanta ka soo baxaysa dadka reer guuraaga ah ee ku teedsan goboladda qaarkood gobolka sanaag ayaa waxaa uu yahay gobaladi ugu darnaa ee abaartu awal horay u saameysay isla markaana roobki ku yaraaday xaalada deegaaanada qaar ayaa aad u liidata Degmooyinka,Damala-xagare,Xingalool,Ximangareen,dhahar,Jiidali,Dibqarax,Fiqifuliye ayaa ka mida goobaha abaarta laga dareemayo iyadoo ay ugu darantahay dhulka miyiga ah waxaana dadka reer guuraga markii xayskii ku soo yaraadey ay isugu soo urureen goob laga darsay xooga naqa.
 
Gudoomiyaha degmadda Xingalool ee gobolka sanaag Yuusuf faarax siciid ayaa u sheegay Shabakadda Ceegaag Online in deegaanka uu yahay mid ay isu biirsaden Xaalufka jarida dhirta iyo abaarta oo buu yiri ay xitaa aanay jirin ceelal biyood isagoo sheegay in maamulkoodu qaylo dhaan dhawr ah gudbiyen isla markaana ka hor xooga naqa oo guga biyo dhaamin laga sameeyay deegaankooda isla markaana ay Dawladda puntland soo gaarsiisay deeq biyood dhawr jeer waxaana uu sheegay in neefafka xoolaha ah aanay lahayn cad iyo caano laga cuno taasina buu yiri ay ilaahay ka baryayaan isagaa weyne inuu deeq iyo madar Kheyrqaba u shubo.
 
Nabadooon Axmed xasan garweyne oo ka mida saladiinta gobolka sanaag oo isago ku sugan Degmadda ceergaabo khadka Tellka ugu waramayay shabakadan ayaa sheegay inaanay jirin wax xooluhu ku sii noolaadan waxaana uu sheegay in goobti laga darso naq yarba dad iyo xoolo u soo hayaamayan oo cagta marinaya isagoo sidoo kale sheegay inay qaylo dhaan muujinayan,Isku soo wada duubo gobolkani sanaag ayaa dhawr mar waxaa socdaal ku tagay wafdi ka socda deeqbixiyayaasha iyo masuuliyin ka socota maamulka Puntland gaar ahana wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Sanaag.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com