shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Walaaca Dawladda Kenya ee Islaamiyiinta Soomaaliya.

(Kiiniya.  July 22,  2009 Ceegaag Online)

Soomaaliya oo dagaalkeedi u xuubsiibtay Dagaal diimeed ayaa waxaa isa soo taraya walaaca dawlado badan oo dunida ah ka qabaan kororka Islaamiyiinta somalia iyo khatarta ka imaan karta kooxo ay Al-Shabaab ka mid tahay waxaana kororka Kooxahani ay keentay in Dawladda Kenya ay xirato xuduuda Labbo sano ka hor iyada oo mar dib u furtay.

 

Dawladda Kenya oo xuduud dhaw la leh somalia ayaa waxaa ay walaac weyn ka muujisay tan iyo intii dagaaladda somalia ay u xuubsiibteen diinta isla markaana waxaa Macluumaad badan dawladda Kenya ogaatay markii uu qarxay dagaalki u dhaxeeyay Islaamiyiinta iyo Dawladi TFG dabayaaqadi 2006 waxaana dagaalkasi lagu arkay Islaamiyin badan oo Kenya ka soo jeeda oo dagaalka la safnayd kooxdii MMXI balse ay awooda ka tuurtay Dawladda Itoobiya.

 

Gobolka J/Hoose oo ah gobolka ugu dhaw xuduuda koonfurta fog ee somalia iyo deegaanadda ku xeeran waxaa maamula Kooxaha Islaamiyiinta oo iyagu Tiro ka dhawr jeer ku hanjabay inay weerari doonaan gudaha Kenya waxaase taasi maanta sii xoojiyay markii afhayeen u hadlay wasaaradda Difaaca ee Kenya Bagota Angeri uu shaaciyay inay wadaan dadaalo lagu xoojinayo Xuduudaha somalia iyo Kenya taasi oo buu yiri ay sirdoonka kenya isha ku hayaan isagoo sheegay inay dhibaato ku noqotay kala saarida dadka magangelyo doonka ah iyo kooxaha danaha gaarka ah leh .

 

Madaxweynaha Kenya Moi Kibaki ayaa sidoo kale ka hadlay Maanta Colaada somalia :“Waxaan sii wadeynaa in aan kala Shaqeyno

 wadamada Midowga Afrika iyo kuwa Beesha Caalamka sidii soomaaliya loogu soo dabaali lahaa nabad iyo Xasilooni Maadaama aysan Soomaaliya Dowlad dhexe oo leysku raacsan yahay ka jirin Mudo 20 Sano ah”.

 

Mr:Kibaki ayaa shaaciyay in somalia ay tahay goob ay sharci daradu ka soo foofto oo dalkiisa si qarsoodi ah hubka sharci daradda ah lagu soo geliyo waxaana uu gabagabadi hadalkiisa yiri :“Dhibaatooyinka ka jira Dalka aan Dariska nahay ee Soomaaliya ee siisocda ee sii siyaadaya Maalin kasta waxay sababeenin Hub Sharci Daro ah la soo galiyo Dalka Kenya waana taas mida naga Careysiineysa oo aysan Kenya marnaba u dulqaadan Karin”.

 

Isku soo wadda duubo dawladda Kenya ayaa walwal weyn ka qabta kooxaha doonaya inay majaxaabiyaan Dawladda ee doonaya inaan dalka Dawladi ka dhalan kuwaasi oo handadaado u jeediyay wadamo badan oo caalamka ah xitaa Washington.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com