shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Baarlamaanadda Africa ee ka socday Dalka Benin ayaa la soo Gabagebeeyay.

(Kotuna. Beniin,  July 18,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa lagu soo gabagebeeyay Magaaladda Caasimadda u ah wadanka Benin ee Kotonu shirkii uga socday Guddiga Fulinta ee midawga Baaralamadda Africa ee loo yaqaano"APU" kaasi oo socday muddo gaaraysa Labba Beri waxaana gabagabadi shirkaasi laga soo saaray War-Murtiyeed la xiriira Qaddiyadaha Ammaanka,Caafimaadka,Dhaqaalaha iyo arrimahaBushadda ee dalalka ku yaalla Qaaradda Africa iyadoo ay shirkaani ka soo qeybgaleen in ka badan 50 Gudoomiye Baarlamaan ee wadamadda Africa iyadoo ay ku weheliyeen 200 oo xildhibaan oo ka kala socday wadamadda xubnaha ka ah midawga Baarlamaanka Africa.
 
Shirkani oo diiradda lagu saarayay waxyaallo lagama maarmaan ah ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka UGANDHA Edward Sekandi waxaana uu ugu baaqay madaxda Baaralamanadda Qaaradda africa inay si xoog leh isaga kaashaddan sidii dalalka africa horumaro farsamaysan uga samayn lahaayeen dhinaca Dimuqraadiyadda,Dawlad-Wanaaga,Nabadda,Cadaaladda,KaHortaggasaboolnimadda,LadagaalankaCuddurka Caamka ah ee HIV-AIDSKA iyo waliba dhawrista Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda.
 
Edward Sekandi, waxa kaloo uu ka hadlay doorka Barlamaanadda Afrika kaga aadan xalinta colaadaha sokeeye iyo kuwa kale ee ka socda Qaaradda Afrika, wuxuuna xusya inay colaadahaasi horseedeen inay Malayiin qof ka soo barakacaan Deegaannadooda.
Kulanka Midowga Barlamaanadda waxay gebagebaddii kulankooda ka soo saareen War-murtiyeed, waxayna walaac ka muujiyeen colaadaha ka socda dalalka Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in la joojiyo colaadaha iyo in la dhowro Midnimadda dalka.
 


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com