shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bandhig Carweed lagusoo bandhigayo Buugaagta Soomaalida oo wali Si habsami ah uga Socda magaalada Boston.

(Boston.  July 26,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa magaalada Boston ee carigan Maraykanka ka bilowday bandhig carweed lagu soo bandhigayay buugaagta Soomaalida ama ay qoreen dad Soomaali ahi.

Waxaynu lawada soconaa Suquuqulka ay ku jirto Suugaanta Soomaaliyeed iyo sida uu dalkuba u burbur san yahay. waxaa kale oo aynu wada ognahay in Haayadaha Aduunku ha ahaato mid Carbeed iyo Mid qarbiba ay u la dagaalamayaan luqada Afsoomaaliga ayaa hadana ilaa hada lagu guulaysan in laga takhaluso Afsoomaaliga.

Haayadaha qaramada midoobay ayaa iyagu si wayn cagta u saaray in Soomaaliga la daabaco oo had iyo jeer iska ilaaliya in ay arkaan horumarka Afsoomaaliga sida ay ugu dadaalayaan Xasilooni darada Soomaaliya.

Balse waxaa arintaa isku fuuqsaday Daabacayaasha Scansom Publishers  oo soo bandhigay in ka bada 120 magac buugeed oo Soomaali ah kuna qoran ama ku tujuman Afsoomaaliga.

Arintan ayaa waxa ay farxad galisay oo aad usoo dhaweeyay Dadwaynaha Soomaaliyeed ee reer Boston iyaga oo muujiyay inay diyaar u yihiin inaan loo baahan Cid aan Soomaali ahayn oo Soomaalidu leeyihiin Awood AY ISKU TAAKULEEYAAN DALKOODA IYO DADKOODANA KU TAAKULEEYAAN AFKOODANA KU SOO SAARAAN.

Suuqfiicana u yihiin Suugaantooda iyaga oo ka hadlay Jeebkaado Jumladaystayna Buugaagtaa(Alaahu Akbar)

Dhagayso gabay kamida gabayadii laga tirinayay Badhig carweedka buugaagta Boston  gabaygan oo uu tiriyay Abwaan-Macalin C/casiis m. Liibaan. Riix

Daawo Sawirada


www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com