shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Aragtida dawladda France ee afduubka Labbo faransiis ah oo lagu afduubtay Muqdisho

(Baariis.  July 20,  2009 Ceegaag Online)

Faahfaahino kala duwan ayaa soo baxayay tan iyo intii ay kooxda alshabaab gacanta ku dhigtay labba nin oo isku sheegay inay yihiin markii hore Suxufiyiin balse markii dambe noqday La taliyayaal arrimaha Militaryga ah waxaana dawladda france shaacisay dadaaladda ay ugu jirto sii deynta Labadaasi nin oo alshabaab gacanta ku dhigtay taasi oo khabiiro badan ku tilmaamayaan mid talo faro ka baxday oo quus ah mar haddi kooxda Mayalka adag ee alshabaab ay ragaasi gacanta u galeen.
 
La taliye sare oo ka tirsan Dawladda France ayaa u sheegay warbaahinta inay dawladda france diyaar u tahay inay wadaxajood iyo wadahadal la galaan kooxda islaamiga ah ee haysata ragaasi waxaana uu tibaaxay inay iyagu jawaabo cad ka sugayaan Kooxda Islaamiga ah ee Al-shabaab.
 
La taliyahan oo lagu magacaabo Claude John ayaa isagu carabaabay inay fariimo dhawr ah isweydaarsadeen kooxaha la aaminsanyahay inay haystaan ragaani u dhashay faransiiska balse waxa uu sheegay inaanay wax jawaab ah ka bixin kooxda maleeshiyada Al-shabaab fariimaha aan u dirnay waxaana uu tibaaxay inay dawladda France soo gaartay macluumaad sheegaya inay ragaani noolyihiin taasi oo buu yiri aan rajaynayno in si wanaagsan loola dhaqmo.
 
Marka la eego ragani ayaa ahaa hadalheynta ugu badan ee soo baxday markii kooxaha Alshabaab si rasmi ah loo shaaciyay inay ula wareegeen Ragaani waxaana saraakiishani laga afduubtay hotel ay deganyihiin masuuliyiin badan oo ka tirsan dawladda somalia halkaasi oo ay ku xooganyihii ciidamadda Dawladda somalia iyo AMISOM Dadaal lagu sii deynayo ayaa bilawday Iyadoo uu dadaalkaas socdo, ayuu haddana taleefishinka France 24, wuxuu kasoo xigtay ra’iisul wasaare Cumar C/Rashid Sharma’arke, in DKMG ah ay ka baaraan-dageyso tallaabooyin kale oo ay ka qaaddo arrintan. Tallaabooyinkaas waxaa kamid ah in loo oggolaado ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Commandos-ta Faransiiska, inay xoog kusoo furtaan labada sarkaal ee laga heysto.
 
Haddii ay taasi dhacdo, ma noqoneyso markii ugu horreysay ee ay Faransiisku isticmaalaan cudud millatari, si ay dib ugu soo ceshadaan muwaadiniin ay ka heystaan kooxo Soomaali ah. Dhowr goor ayuu Faransiisku u xoog-sheegtay burcad-badeed qabsatay maraakiib iyo doomo laga leeyahay dalkaas.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com