shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ayaan daran Caasimada Soomaaliya oo ay ka socdaan  Dagaal aan joogsi lahayn oo lagu xasuuqayo  dadka rayidka ah(Daawo)?!.

(Muqdisho.  July 03,  2009 Ceegaag Online)

Soomaaliya isu tashanmayso, isu talinmayso, waxaa la yiri saddex ayaa ugu xun somalia waxay u muuqata inay saddexdaasi soo hargalayso sida meeqaanka maanasadu dulucsanayso:Ma Toshe,Ma Tashiishe,Ma Tashade waxaasna waxaa isugu wacan dadka doonaya kursiga kursigana sida muuqata nin ka badan ma qaado taasna waxay sabab u ahayd dagaaladi hore somalida u soo mari jiray waxaana burburkii kalifay kursi doon somali iyadoo gacantooda ku burburisay dawladi qaranka ahayd ee uu hogaanka u hayay marxuum maxamed siyaad bare.
 
Siyaasiyiinti somalia ka kacday wakhtigi burburka waxay gacansaar siyaasadeed la yeeshen Dawladda dariska la ah somalia ee itoobiya iyagoo ku doonaya marka runta aan laga leexan kursi ay ku qabsadaan awooda ama cududa hub ee ay ka helaan dawladasi iyadoo dhawr mar dawladasi gudaha u gashay somalia waxaa itoobiya markii dawladi hore ee somalia burburtay ay ciidamadeeda soo dhoobtay deegaanka balanbale ee ku yaala gobolka xuduuda ah ee hiiraan iyadoo marka aan qooraansano Istaraatiijiyadda awooda ee xuduuda labadda wadan ku qotonto labadda webi ee JUBBA,SHABELLE waxaana labadasi webi somalia ka soo kala galaan labadda gobol ee kala ah Hiiraa isagoo ka soo gudbaya degaanka loo yaqaan Feer-feer iyo gobolka gedo isagoo usii gudbiya goboladda jubooyinka halkaasi oo ku sii biyo shubo Webiga jubba waxaana ay ka mid tahay xiriirka ay labadasi xuduud ku dhex leeyihin dhulka labadda wadan.

Itoobiya hawlgal military ayay ka fulisay somalia waxayna taageertay Dawladi uu hogaanminjiray Madaxweyne C/laahi Yuusuf waxaana ka dhacday Qayladda Orgigu Baroorta ka wayn waxaase somalia markaasi dadkii muqdisho deganaa u qabeen arrin la socota Aargoosi siyaasadeed oo loogu talagalay hab Qabiili ah.
 
Qaramadda midoobay waxay isku dayday in la dhiso dawlad uu hogaamiye ka yahay sheikh sharif sheikh axmed oo muqdisho ka soojeeda waxaase ay noqotay inay dagaal kala horyimadaan ragi ay shalay isku garabka ahaayen oo iyagu isku groupka ahaa sida sheikh xasan daahir aways oo maanta ah hogaamiyaha garabka leh cududa military ee Hizbul Islaam kuna goodiya inuu xukunka ka tuurayo sharif sheikh axmed xarakada sheegata mujaahidiinta ee alshabaab ayaa qayb ka ah dagaalka waxaa taageeray maraykanka oo hub siiyay dawlada hubkaasi somalia awal baa horay looga caalwaayay kii yaalay muxuuse soo kordhin karaa?.
 

Waxaa ka muuqda sawiradan kuwa naxdin badan dad baa ku barakacay dagaalka dad baa ku dhintay dad baa ku le'day ciyaal isugu jira baalashlayaal ayaa la laayay musiibo ayaa ka dhacday mesha dhibaato ayaa taal xamar maanta teedi maaha muqdisho wa ololaysaa xuquuqdi somaliyed ayaa la lumiyay tii bani'aadanimo la xasuusanmaayo waxaay tahay somalia inay isu tashato rajo iyo saansana lagu dhexdhexaadinayo labadda garab ee iska soo horjeeda ma muuqato ololka xamar ka baxaya yaan la isu fiirsan.
 
Sawirka naxdinta leh ee somalia beesha caalamka ayaa daawanaysa dhibaatadda somalia qayb waxay ku dhimatay Badda,Qaybna Muqdisho,Qaybna waa qaxooti qaarna waa naafo qaarna waa ma tashadayaal halkee somalia u socotaa Cidna uma maqna Ceelna uma qodna!.
 
By:Abdirashid Mohamed Dahir
 

ILA DAAWADDA MUSIIBADDA MUQDISHO TAALA



www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com