shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
Dhibaatooyinka Deegaanka iyo Sahankii Ceegaag (SAWIRO).

(Qardho.  July 27,  2009 Ceegaag Onlin)

Deegaanadda Soomaaliya waxay noqdeen kuwo la wasakheeyay kuwa la xaalufiyay iyo kuwa la burburiyay Shabakadda Wararka ee Ceegaag Online ayaa socdaal ku martay qaybo ka mida goboladda Puntland sida,Sanaag Bari,Karkaar,Nugaal waxaana socdaalka aan isku dayaynay inaan ku soo ururino Macluumaad la xiriira xaalufinta deegaanka iyadoo dhirtii la jarayo lana gubayo socdaalka waxaan ka bilawnay Tuuladda Sanjilbo ee Gobolka karkaar oo qardho u jirta 20KM dhanka Bosaso iyadoo socdaalka ay nagu weheliyeen sarakiil ka tirsan Wasaaradda.

Deegaanka,Ilaalinta Duurjoogta iyo dalxiiska Puntland waxaana halkaasi ku aragnay dhul abaarti aad ugu rakaaday iyadoo dhulkii uu noqday deegaan u eke saxare aan waxba dhaamin isla markaasna waxaan socdaalkaygii uga sii gudbay Deegaanka Guudcad oo isna ka tirsan go bolka karkaar iyadoo aan maray dhulalka Miyiga ah waxaan la kulmay ku dhawaad 10(Hogood) oo lagu shido dhuxusha taasi oo dhirta la jarayo iyadoo la isticmaalayo Mishiino casri ah.

Hogaha ayaa waxaa ay ahaayeen sida idiin muuqata kuwo markaasi la shiday oo la doonaya markii ay bislaato in loo iibgeeyo suuqyadda waaweyn ee somalia waxaana halkaasi kula kulmay Muxiyadiin C/risaaq oo ah dhuxulaysato isagoo sheegay inuu doorbido Ganacsi inuu dhirta dhawr Socdaalkayga oo ay igu weheliyeen sarakiil ka tirsan Wasaaradda Deegaanka ee Puntlad ayaa waxay ku dhiiri geliyeen dhir jarayaashi inay dhirta Dhawraan.

Dhibaatadda Deegaanadda somalia waa mid aan ku koobnayn Puntland sidoo kale waxaa laga jaraa dhirta Goboladda Koonfureed iyadoo laga dhoofiyo Marsooyinka Marka,Kismaayo sidookale waxaan tegay Degmooyinka Xingalol iyo Tuulooyin ku ag xeeran iyadoo ay iiga muuqdeen in si aada dhirta looga jaro waa taas dhirtii o la jaray oo idiin muuqanaysa oo dhulka daadsan waxaa jira dhalinyaro reer Dhahareed ah oo isu xilsaaray inay ka hortagaan xaalufka Deegaanka Lagu hayo.

Isku soo wadda duubo Gabagabadi socdaalkayga ayaan waxaan waraystay Isu duwaha Wasaaradda Deegaanka iyo dalxiiska Puntland ee Karkaar Maxamed Muuse Maxamed waxaana uu iiga waramay dhibaatadda Muuqata iyo doorka Dawladiisa isagoo sheegay inay wado wasaradda Deegaanka iyo duurjoogta Puntland hindisayaal ku aadan ka hortaga Xaalufka iyo dhir gubayaasha taasi oo hadda kormeerkoodu qayb ka yahay waxaana ila daawataan Dhibaatadda Deegaankeena haysata iyo sida wax magaradku u gelayaan Dhulkii Xoolaha calafkoodu ku xirnaa oo xooga baada ay ka daaqi lahaayeen.

Daawo Sawirada

 
C/rashid Maxamed Dahir

ILA DAAWADDA MUUQAALKA DEEGAANKA IYO DHIBAATOOYINKA HAYSTA.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com