shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka United Somali Alliance oo la kulmay Xildhibaan Keith Ellison inta uusan ka ambabixin Boston.

(Boston.  July 01,  2009 Ceegaag Online)

Inta uusan ka ambabixin magaalada Boston Xildhibaan Keith Allison ayuu wuxuu si khaas ah ula kulmay Hormoodka dhalinyarada  reer Boston waa United Somali Alliance.

Xildhibaanka iyo dhalinyarada ayaa si wanaagsan iskula jaanqaaday iyada oo gudigii soo dhaweenasay Xildhibaanka ee Soomaaliyeed iyo xildhibaanku wakhtiga ama hadalka intiisa badan ku koob naayeen arimaha Soomaaliya.

Balse markii uu la kulmay dhalinyarada USA ay iskula jaanqaadeen si cajiib ah iyaga oo uu si aada ula kaftamayay sheekadiisuna badatay isla markaa casuumad u fidiyay dhalinyarada inay gobalka uu matalo ee Minnesota ugu yimaadaan si ay usii amba qaadan wax yaabihii ay ka wada hadleen.

Arintan ayaa waxay markhaati madoonte u tahay in la soo gaadhay wakhtigii ay dhalinyarada ku  hanaqaaday Mareekanku matali lahaayeen ama hormood looga dhigan lahaa si shacabka Soomaaliyeed ee reer Mareekan qurus wayn uga helaan wax qaybsiga shacabka ee reer Mareekan guud ahaan.

Daawo Sawirada


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com