shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taageerid Shirka beesha SSC ee ka dhicidoona Nairobi

(Greensboro.  July 22,  2009 Ceegaag Online)

Hadaanu nahay Jaliyada SSC. Greensboro, North Carolina, USA. Waxaanu taageero buuxda u diraynaa shirka Nairobi, Kenya ka dhicidoona ee beesha Sool Sanaag iyo Cayn.

Waxaanu kaloo hanbalyo u diraynaa jaaliyada bariga Afrika ee SSC, gaar ahaan jaaliyada Nairobi, Kenya ee SSC, oo musuuliyad weyn dusha u ridatay iyagoo ka damqaday dulmiga, dhibaatada, qaxa, qabsashada iyo midnimada xumida haysata beeshooda SSC.

Waxaanu u aragnaa inaad asiibteen markii aad shirka kala soo fogaateen burburiyayaashii shirarka beesha SSC. Waa Puntland, Somaliland iyo dhiiglaawayaasha u dhashay SSC ee loo adeegsado qabsashada iyo la haysashada dhulkooda , shacabkooda iyo kala qaybinta beeshooda.

Waxaa lama ilaawaan ah dhacdoonyinkan:

*Shirkii beesha SSC  ku qabsan lahayd laascaanood oct/22/2007 ay labada maamul ugu heshiiyeen kuna kulmeen madaxtooyada Garoowe sidii shirkaa loo burburin lahaa, keentayna markii dambe in laascaanood laguba qabsado Oct.15.2007 iyadoo shirkaa lagu burburinayo.

*Shirkii badbaado Boocame 3. oo labada maamulba weerar joogta ah ku hayeen, si aanu shirkaasi u midha dhalin. wayna ku guulaysteen.

*Shirkii bardihii Tukaraq ee uu maamulka Puntland ku hayey weerarka, hanjabaada iyo in maxkamad lagu soo oogo ragii shirka maamulayey.

Waa cadahay oo maanta qofna kama qarsoona sida laynagu heshiyey oo aan loo ogalayn inaynu danaheena ka tashano oo dhulkeenii u xoraysano, sidaa daraadeed waxaanu jaaliyadaha beesha SSC ku boorinaynaa inay taageeraan shirkaa. oo gobal walba cidi ka aado,hadanay suuroobayna dhaqaale lagu taageero,hadayna suuroobayna afka iyo ficilba ku taageertaan.

Waxaanu ilaahay uga baryaynaa in ilaahay shirkaa Nairobi,Kenya ee beesha SSC ka dhigo mid guulaysta oo sharaftii,gobnimadii iyo midnimadii beesha soo celiya . midho dhaxal galana yeesha.

Wa bilaahi towfiiq

Jaaliyada Greensboro, North Carolina. USA.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com