shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Reer Soomaali- Galbeed oo shir uga furmay  magaalada Cape-Town, S/Afrika

(Cape-Town.  July 21,  2009 Ceegaag Online)

Shir aad u balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa uu ka dhacay Hoyga shirarka ee Jaamacada UWC ee Magaalada Cape Town halkaasi oo ay soo xaadireen Ergooyin ka kala yimid Gobolada dalkani oo dhan.

Shirka ayaa waxaa ka soo xaadiray Dhamaan ururada bulashada ayadoo weyn loo soo buux dhaafiyay hoolka shirarka waxaana lagu soo bandhigay muxaadarooyinka, khudbadaha, suugaanta gabayada iyo waliba filim ka sheekeynaya dhibaatada heysata shacabka Soomaali Galbeed.



Shirka ayaa lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka waxaana xiga wacdi baraarujin ah ugu horeyna waxa makarafoonka lagu soo dhaweyay Sheekh Axmed Sh. Maxamed oo madasha ka aqriyay taariikhda halganka Soomali Galbeed oo kooban illaa laga soo bilaabay halgankii Axmed Gurrey illaa kii Jeeshkii Nasrullaahi illaa kan maanta jira.

Sidoo kale Waxaa qudbad cajiib ah oo ay la qusheeceen ka soo qeyb galayaasha shirka ka jeediyay Gudoomiye ku xigeenka hey’ada islaamka Muslim Judicial Council (MJC) hadaladiisa aya waxaa ka mid ahaa ah “Anaga islaamka dalkani ku nool waa 2%, idinkuna waxaad tihiin 100% Soomaaliya, taasi waa nimco illaahay idinku mannaystey, waxaan soo marnay boqolaal sanno oo midabtakoor ah, waxaan ka qeyb qaadanay halgankii xoreynta dalka oo aan garab siiney dad aanan muslimiin ahayn taasina waxaan u yeelney danaheena, idinka waxaa la’idinkaga baahanyahay in aan la timaadaan qorshe kasta oo aad isku garabsan kartaan isagana dul qaadi kartaan gumeysiga”, ayuu yiri.


Hoyga shirka lagu qabtay ayaa waxaa lagu xardhay Calanka Soomaliya, kana Soomali Galbeed iyo midka K/Africa sidoo kale waxaa xafladu ahayd tii ugu heerka saraysay ebed ee lagu qabto Magaaladani waxaana ka soo qeybgalayasha daawadeen Flim muujinaya dhibaatada xoogan ee lagu haayo Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Soomali Galbeed.

Lama Soo koobi karo Mudanayaasha shirka ka hadlay balse Dhamaan dadkani waxay si wada jir ah oga hadleen muhiimada ay leedahay midnimada iyo sii wadista halganka xoreynta Soomaalida dulman.


Gaba gabadii Shirka aya waxa hadalka qaatay Sh. Shaakir Sh. Cabdullaahi,oo ah gudoomiyaha Jaaliyada Soomali Galbeed ayaa waxa uu u mahad celiyay Dhamaan ka soo qeyb galayaasha Shirka sidoo kale wuxuu shacabka Soomaliyeed kula dar daarmay Midnimada taas oo ay tahay ayuu yiri tan kaliya ee aan uga bad baadi karno Cadawga dalkeena ku soo duulay.

Maxamed Deeq Muuse (Deeqdarajo)
Deeqdarajo100@hotmail.com
Cape-Twon, S/Afrika


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com