shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay'adda Cilmibaarista Puntland ee PDRC oo magaaladda Qardho ku soo gabagebeysay Cilmibaaris ku saabsan Nidaamka Axsaabta badan(Sawiro).

(Qardho.  July 15,  2009 Ceegaag Online)

Hay'adda horumarinta iyo cilmibaarista Puntland ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan(PDRC) Puntland Development & Research Center ayaa maanta soo gababebeysay cilmibiraris.
 
waxaana cilmibaaristani ahayd mid lagu ogaanayay fikirka Dadka reer Karkaar ka qabaan nidaamka Maamulka Democracyga ah iyo horumarinta maamul wanaaga gaar ahaan ansixintii dastuurka cusub ee Puntland ee Nidaamka Axsaabta badan waxaana cilmi baaristani socotay muddo laba maalmood balse maanta ayaa lagu soo gabagebeeyay hoolka shirarka D/H/Degmadda Qardho waxaana doodo loo qabanayay Odayaal dhaqameedyadda,Haweenka,Maamulka,Saxaafadda.
 
Eng:Cali faarax cali oo ah xiriirayaha ha'adda cilmibaarista iyo horumarinta Puntland ayaa saxaafadda u sharaxay Barnaamijkani ku aadan cilmibarista iyo ogaanshaha fikirka Bulshadda ee NIdaamka maamul-wanaaga iyo Dimuqraadiyadda"Ha'adda PDRC waxay maanta gabagebeysay qaybtii koowaad ee cilmibaris ku aadan fikirka bulshadu ka qabtu hanaanka maamul-wanaaga iyo Dimuqraadiyadda ee ay ansixiyeen mudanayasha Baarlamaanka puntland taasi oo looga gudbayo habka Qabiilka ku dhisan ee puntland lagu asaasay 10-Sano ka hor waxaana aan doodo u qabanaynay Qeybaha Bulshadda sida,Odayaasha dhaqanka,Saxaafadda,Haweenka,maamulka waxaana aan ka wadnaa deegaano badan qardho waxaan maanta dhamaynay Vice kii koowaad magaalooyinka Rako,Waaciye ee gobolkani karkaar iyana waan gaarsiinaynaa,sidoo kale goboladda kale ee Puntland iyana waan geyneynaa Dooda iyo cilmibaarista aan doonayno inaan ku ogaaano xaaladaha iyo fikiradda Bulshada ee sidii looga gudbi lahaa nidaamka Qabiilka looguna gudbi lahaa nidaamka Xisbiyadda oo shacabku afkaartoodu dhiibanayso".
 
Isku soo wadda duubo Ha'adan ayaa waxay cilmibaaris ay doonayso inay wax kaga ogaato afkaarta dadweynaha ee dastuurka cusub gaar ahaan nidaamka Democracyga ah waxay usoo bandhigaysaa dadweynaha iyado ka hirgalinaysa inta badan Goboladda Puntland.


 Daawo Sawirada


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com