shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
Arday ka Qalinjabisay Jaamacadda Camuud(SAWIRO).

(Boorame.  July 28,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa shalay galabta lagu qabtay Jaamacadda Camuud ee Degmadda Boorame ee Gobolka Awdal Somalia Xaflad aad u balaaran oo si wayn loo soo agaasimay ayna soo qaban qaabiyeen Macalimiinta iyo Ardada Jaamacadda Camuud University ee Magaaladda Borama waxaan xafladani loo samaynayay Arday Qalin jabinaysay oo Tiradoodu Gaaraysay 138 Arday oo jaamiciyiin ah.
 
Munaasabadani oo ahayd mid aad u balaaran ayaa waxaa ka soo qaybgalay Martisharaf aad u farabadan oo dalka iyo Dibadaba ka yimi Madaxda waxbarashadda Gobolka Awday iyo Somaliland waxaana dadkii halkaasi ku sugnaa ka mid ahaa Wasiiru Dawlaha Waxbarashadda Somaliland iyo Madaxa ugu sareeya EC (EUROPEAN COMMISION) Dr:Mondarate waxaana xafladda ka qalin jabinayay Arday Tira ahaan gaaraysa 138 arday waxaana ardaydaasi u badnaa Arday ka qalin jabisay Dugsiyadda Sare ee Goboladda Puntland Waxaana aqoonta Ardayda Jaamacada ay kaga qalin jabiyeen ku dhawaad 6 Kuliyadood oo ku yaala Jaamacada Camuud sida:-
 
1-Health Department
2-Education
3-Bussiness
 
Iyadoo xafladani ka dhacday Hoolka Jaamacadda Camuud University oo ka mida Jaamacadaha ugu waxbarasho Fiican Somalia iyadoo Aanay ahay dufcadi ugu horaysay ee Jaamiciyiin ah ee ka qalin jabisa Jaamacadda Camuud ee Gobolka Awdal Somalia waxana xusid mudan in ay wax ka bartaan arday aad u tiro badan oo ka kala yimid Goboladda Koonfurta iyo Puntland ee Somalia Gabagabadina waxaa Xafladani ku soo gaba

Daawo Sawirada

 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com