shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulamo looga hadlayo amaanka oo ka socda Magaaladda Gaalkacyo.

(Gaalkacayo.  July 12,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa ka bilawmay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug wajigii labaad ee wadahadalo looga hadlayo arrimaha amaanka magaaladda gaalkacyo iyo guud ahaanba gobolka mudug waxaana wadahadaladda u dhexeeyan wafdigii ka koobna xubnaha sarsare ee dawladda puntland iyo maamulka gobolka iyo kan degmadda Gaalkacyo halkaasi oo sidoo kale kulanka ay ka qayb ka yihiin ururadda bulshadda rayidka ah iyo Odayaal dhaqameedyada gobolkaasi.

 

C/nuur maxamuud geesay oo ah gudoomiyaha gobolka mudug oo u waramayay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in wajiga labaad ee wadahadaladda iyo kulamada looga hadlayo xasilinta amaanka magaaladda Furinta ku taalla ee gaalkacyo qaybtoodi hore aad horumaro looga sameeyay isagoo sheegay inay xaliyeen khilaafaad la xiriiray gawaari la kala dhacay.

 

Kulamadii ugu muhiimsanaa ee wafdigan ayaa ahaa kuwa ay uga hadlayeen xaaladaha Puntland, waxa ayna soo qaadeen rabshado dilal ah oo ka dhacay magaalada Maalmihii ugu dambeeyey kuwaas oo xaaladahoodu yihiin kuwa ay xalintooda ku jiraan.

Wasiirada, Xildhibaanada iyo Taliyaasha ciidamada Booliska Puntland ayaan wali soo saarin natiijada booqashadooda ay ku joogaan Magaalada Gaalkacyo balse waxaa jira marxalado dhanka amaanka oo la doonayo in laga dhiso magaaladda gaalkayco iyadoo loo qaybiyay magaaladda Gaakacyo 4-Degmo si loo sugo amaanka isku so wada xooriyo magaaladda gaalkayco waa goob u nugul inay saameyn  ku yeeshaan dagaaladda koonfurta balse laamaha amaanka ayaa indhaha ku haya koonfurta gaalkacyo oo la sheegayo inay la wareegeen koox diimeed isku magacaabay AHLU-SUNAH-WALJAMEECA.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com