shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
Midawga Yurub oo ka shiray Xaaladda Somalia iyo Go'aamo ay soo saareen.

(Brussels .  July 28,  2009 Ceegaag Online)

Midawga Yurub oo isagu qayb ka ah Ururadda u xusul duubaya Degida iyo xal u helida Soomaaliya ayaa wasiiradda arrimaha Dibadda ee wadamaasi shir ay ku yeesheen Xarunta Dhexe ee Ururkaasi ee Magaaladda Brussels dalka Belgium isla markaasna waxaa wasiiradani ka kala socdeen in ka badan 27 dawladood oo ka mida Dawladaha Yurub.


Shirkani ayay uga doodeen Ajandayaal dhawr ah oo muhiim u ah Siyaasadda somalia sida,Nabadda,Cadaaladda iyo Horumarinta iyo Hawlgal ay Ciidamo ka socda dawladdaha ku bahoobay Midawga Yurub ay ka wadaan Xeebaha Soomaaliya isla markaasna ay kula dagaalamayaan Burcad badeeda Somalida oo iyagu ka mida Dhibaatooyinka Burburka Somalia ka dhashay iyo Waliba Codsiga Dawladda ICELAND ee ka mid noqoshadda Midawga Yurub.
 
Shirkani ayaa Gabagabadi waxaa laga soo saaray Go'aamo dhawr ah oo ay ugu waynayd Tababarka Ciidamadda Amaanka ee DFKMG ah si ay uga hortagaan Dhibaatoyinka xaga amniga ah ee dalka soo foodsaaray isla markaana uga hortagaan Kooxaha Burcad badeeda Somalida ee ka qawlaysata Xeebaha Somalia.
 
Madax siyaasada Dibada ee midowga yurub Javier Solana ayaa sheegay in qorshaha tababarka ciidamada Soomaalida ee la dagaalanka Burcad badeeda lagu qorsheyay kulankii 27-aad ee wasiirada Arimaha Dibada ee Midowga Yurub ay ku yeesheen Magaalada Brussels.
Mr.Solana waxaa uu sheegay in Madaxda Midowga Yurub ay ku qorsheeyeen kulankooda sadex arimood oo kala ah


• Inay iyagu is tababaraan
• Sida loo bixinayo Mushaaraadka Ciidamada Cusub
• Sidii ay iskaashi ula sameyn lahaayeen Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan wadanka Soomalia


Madaxa Siyaada Dibada ee Midowga yurub Mr Solana ayaa sheegay inuu rajeynayo in Qorshayaashan ay soo dhamaadaan Bisha soo socota Dowlada Midowga Yurub waxay horey ugu soo diraan Xeebaha Soomaaliya Maraakiib dagaal iyo Ciidamo Marines ah oo haatan ka howlgala Xeebaha somalia iyagoo isku dhereriyay Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
 
Dhanka kale Dawladda France oo ka mida Dawladaha ugu awooda badan Midawga Yurub ayaa sheegtay inay u diyaar garawday sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen Tababarida Ciidamadda Dawladda Somalia.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com