shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Soomaalida reer Boston oo si'aad ah u taageertay Duqa magaalada Boston Thomas M. Menino

(Boston.  July 13,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa shalay oo bishi ahayd July 12, 2009, xaflad aad u balaaran u sameeyay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Boston Duqa magaalda Boston Thomas M. Menino.

Menino oo jagada Duqa magaalada hayay mudo Lix iyo Tobon Sano ah (16sano) ayaa waxa uu taageero aad u wayn ka haystaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan dadka Muslimka ah ee ku dhaqan magaalada Boston, taageeradan ayaa waxaa dadku u aaneenayaan sidii garabka wayneed ee uu u garab istaagay dadka islaamka ah markii laysku dayay in cagta laga sooro dhismaha masjid Jaamaca magaalada Boston.

Menino oo ah nin ruug cadaa ah ayaa waxa uu guulo badan gaadhsiiyay magaalada Boston oo haatan u dhiganta amaba doonasa in loo aqoonsado magaalada Afraad ee ugu dhaqaalaha badan Wadanka Mareekanka.

Duqa magaalada Boston Menino ayaa waxaa hada ku baraarugay tartan wayn oo ladoonayo in jagada lagaga Tuuro, arintan ayaa lafilayaa in lagu guul daraysto oo dib loo doorto Menino madaama uu hada bilaabay inuu awoodiisa dul dhigo in uu xejisto Jagadiisan ladoonayo in laga dhaxal wareejiyo.

Dadka ayaa waxaa lasiiyay sadex sadex saacadood iyada oo Soomaalida saacadaheege ahaayeen galabnimo ayaa hadana dadka badankiisu tageen qado sharafta wakhti hore. Mar uu xoghayaha xaga maaliyada ee Ceegaag Online Xuseen Fiin  iyo Xoghayaha xaga Siyaasada ee Ceegaag Online Cadirisaaq X. Cali gaadheen goobta qadada iyaga oo ay waliba weheliyaan Jamaal, Jamad, iyo Liibaan Xuseen Fiin iyo waliba dadwayne kale oo Soomaaliyeed siiba ururka United Somali Alliance (USA) ayaa jawigu waxa uu ahaa sidatan.

 Daawo Sawirada

 
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com