shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ku:Qurbo joogta Soomaaliyeed meel kasta ha joogaan (America, Europe, Australia, Asia, Africa)
Ujeedo:Dhagax dhig markas Khayri ah.

(Gaalkacayo.  July 09,  2009 Ceegaag Online)

Walaalayaal saad la socoteenba waxaa la dhagax dhigay dhismaha markazka alxikma ee magaalada Gaalkacyo taariikhdu Markay ahayd 15/06/2009 waxaa kasoo qaybgalay dhagax dhigaas culimada ugu caansan Gobalka iyo waxgarad farabadan oo Reer gaalkacyood ah oo isugu jira Culumo , ganacsato, nabadoono, iyo waliba qaybo kamida maamulka.

Waxaa kamid ahaa Culumadaas :-


1) Sheikh c/qaadir Nuur Faarax
2) Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf
3) Sheekh Axmed C/samad
4) Sheekh xasan max,ed ibraahin(Abuu xasaan)
5) Sheekh C/qani Qorane
6) Sheekh Yaasiin c/laahi


Intaas waa culimada martida ahayd oo gobolada kale nooga timid waxaanan filayaa inaad kala socoteen warbaahinta oo lagu faafiyey xafladaas dhagax dhiga
Walaalayaal markazku wuxuu ku kacayaa lacag dhan 120,000$ (boqol iyo labaatan kun oo doolar) wuxuu ka kooban yahay lix fasal oo waawayn oo ah rag iyo dumar Goobta Shirarka , labo maktabadood xafiisyo laga maamulo ,Makhaayad , jiko wayn oo gabdhuhu ku tababartaan, qoljiif ,qol kayd ah ,qol waardiye, waana labo dabaq.
Hadaba waxaa lacagtaa kor ku xusan waxaa reer gaalkacyood laga rabaa 45,000$ sidaa awgeed waxaan ugu baaqaynaa walaalaha gudaha Dalka ku sugan iyo Qurba Joogtu inay ka qayb qaataan.

Waxaana lagu soo hagaajinayaa tabrucaadka gudiga hirgalinta dhismaha markazka gaalkacyo oo kala ah:-
1) Sheekh Xuseen cigaal canshuur 0025290616712 ama 002525854562(guri)
2) Sheekh Axmed dheeli 0025290756814 ama 002525856303(xafiis)
3) Burhaan max,ud gurey 0025290757378
4) Cumar C/le max,ed (cumar dheere) 0025266010500
5) Faarax Bootaan Faarax 0025290792222 ama 002525852001(xafiis)
6) Sheekh Aadan max,ed cigaal 0025290780555 ama 002525858008(xafiis)
7) Macalim Qaasim Xasan Diini 0025290791769

Waxaad kalood adeegsan kartaan xawaalaha kala ah:-
1) Xawaalada Amal laanta Galkacyo Accountno:0711-04-43699-01markaska al-xigma
2) Xawaalada tawakal laanta Galkacyo Accountno:(DHEELI)markaska al-xigma
3) Xawaalada Dahabshiil laanta Galkacyo Accountno:D00254 (xikma association)

Lacagta nala ka rabo waxayd ahayd 45.000$ oo Doolar waxaan yabooha ka bilownay Magaalada Gaalkacyo .


Waxaana helnay 17,000$ lacagta hadda nala ka rabo waa 28,000$ Wakhtiga naloo qabtay waa Lixbilood Sida Hishiiska Ku Cad
Culumadu waxay Fatwootay ama ogolaatay in Zakada lagu bixin karo Fadlan wixii intaas dheer kala xariir Gudiga Hirgalinta Dhismaha Markazka Gaalkacyo

D DR Sheekh Axmed dheeli Telephone ka Gacanta 0025290756814 ama 002525856303(Xafiis).

 

Daawo Sawirada

 



www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com