shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xilwareejinta cusub ee maamulka Puntland

(Garoowe, January, 12  2009 Ceegaag Online) 

Sida ay horay u qortay shebekada ceegaag.com  waxaa Magaalada Garoowe ka dhacay isbadal cusub oo doorosho. kuna saabsan hogaaminta sare ee Puntland.


Sidaa awgeed xaflad balaaran oo xilwareejin ah ayaa lagu qabtay xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe, waxaana xafladaas ka soo qayb galay dad badan oo isugu jira qayb ka mid ah madaxda dhaqanka, musharixiintii, waxgarad iyo oday C/laahi Yuusuf Axmed.


Waxaana shirkaas xaflada ah xilka kula kala wareegay madaxwaynaha cusub ee Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole iyo madaxwaynihii hore Gen. Cadde Muuse, waxaa kala oo iyana xilka kula kala wareegay madaxwayne kuxigeenka cusub Gen.C/samad Cali Shire iyo madaxwayne kuxigeenkii hore mudane  Xasan Daahir Maxamud (afqurac).

Xaflada waxaa ugu horayntii hadal ka soo jeediyey general Cadde Muuse wuxuuna u hanbalyeey madaxwaynaha cusub C/raxman Faroole, Cadde Muuse waxaa hadaladiisa ka mid ahaa, horay ayaan u balanqaaday in ay doorosho kadhacdo Puntland, hadii la igahelana la shaqeeyo, wuxuu kale uu yiri, lagabilaabo maanta waxaan xilkii Puntland ku wareejiyey C/raxmaan Faroole, diyaarna waan u ahay in aan lashaqeeyo.


 Khudbadii xilwareejinta Cadee Muuse Dhageyso


Waxaa isna goobta ka hadlay madaxwaynaha cusub C/raxmaan, wuxuuna balanqaaday in uu soo dhisidoono xubnihii golaha xukuumada oo ka fiirsi iyo xulashi leh,wuxuu kale uu yiri cadde muuse wuxuu iinoqondoonaa lataliyahayga, wuxuu kale oo uu 'hay'ayadaha caalamka ugu baaqay in ay yimaadaaan oo ka soo hawlgalaan wax qabadka maamulka puntland, wuxuuna balanqaaday in la sugidoono amnigooda.

Khudbadii m/weynaha cusub Faroole Dhageyso
 
Waxaa kale oo goobta ka hadlay Islaan Ciise Islaam Maxamed oo xilwareejinta ku duceeyey, hadal waano ahna ku yiri, cadaalad wax uqabta, dalka iyo dadkana u roonaada.
 
Sidaas darteed dadwaynaha reer Puntland, waxaa ay aad isku waydiinayaan su'aasha ah (sidee hogaaminta cusubi ku xalindoontaa xaalada adag ee puntland?), sababta oo ah waxay dareesanyihiin xaalada adag ee hortaala masuuliyiinta wakhtigaan loo doortay hogaaminta xilalka cusub waayo ayey yiraahdeen dadkwaynaha reer puntland, waxaay la wereegeen uu arag yari ka sii bariiqayo iyo gobolada qaarkood oo uu ka indhobeelay maamulkii punltand, dadkii goboladaas u dhashayna uu afdhalaal iyo dhabano hayni ka soo hartay,taladiina ay ka dharastay sidii dhidar uu dhurwaa helay,reer puntland, waxaay dhowrayaan balanqaadka waxqabadkooda ee masuuliyiinta cusub.
 
NB: waxaa lagama maarmaan ah in la lasocdo weedhaan(isha dadwaynuhu dhaliil bay aragtaa).
 
F.Q. Dr. Haruun Xasan

Garoowe
 

webmaster@ceegaag.com