shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad Xilwareejin ah oo ka dhacday xarunta maamul goboleedka Puntlan

Garawe, January, 11  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa maanta lagu qabtay xarunta baarlamanka maamul goboleedka Puntland ee magaalada Garowe munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen maamulkii hore ee uu hoggaaminayay  Cadde Muuse Xirsi iyo kancusub ee dhowaan la doortay oo uu madaxweynaha ka yahay C/raxmaan Faroole.

Munaasabadan oo sidoo kale ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin badan oo ka mid ah maamulkii hore iyo qeybaha kal duwan ee bulshada ayaa waxa ka hadlay madaxwewynihii hore ee maamulka Puntland Cadde Muuse oo sheegay inuu la shaqeyn doono maamulka cusub ee C/raaxmaan faroole uu madaxda ka yahay uuna gacan buuxda ku siin doono howlaha adag ee hor yaala iyo waajibaadka laga sugayo.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay xillka maanta lagu wareejiyey, isagoo balanqaaday inuu waajibaadkiisa si hufan oo daacadnimo leh u gudan doono, wuxuuna balan qaaday inuu wax weyn ka qaban doono nabadgalyada Puntland oo mudooyinkan laga dayrinayay.

www.Ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com