shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xoogaga Muqaawimada oo weerary Bare Hiiraale iyo Itoobiyaankii uu watay

(Baardheere, January, 12  2009 Ceegaag Online) 

 

Wararka ka imanaya Baardheere ayaa sheegaya in saaka waabarigii ay dagaal gaadma ah ku qaadeen Xoogaga Muqaawimada ee ku sugan gobalka Gado, ciidamo isugu jiray Itoobiyaan iyo maleeshiyaad ka amar qaata Bare Hiiraale oo ah Xildhibaan ka mida Dawlada Ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.

 

Dagaalada ayaa fooda laysku daray Buurta Kaliiliyow oo qiyaastii 10 KM duleedka waqooyi ka xigta degmada Baardheere. ilaa hadana lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ay labada dhinac is gaadhsiiyeen.

 

Magaalada Baardheere ayaa lasheegayaa inuu ka bilowday Barakac baahsan ka dib markii uu Aroornimadii dagaalka Kaabada u yimid dadkuna u adkaysan waayeen Derkanka Rasaasta iyo madaafiicda laysku garaacayay.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com