shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Wararkii u danbeeyay ee doorashada muumulka Puntland

(Garoowe, January, 07  2009 Ceegaag Online) 


Maalmahanba waxaa magaalada Garoowe ka socday kulamo kala gaar gaar ah oo ay musharixiintu u sameeyeen isimada, aqoonyahanada, wakiilada iyo waxgaradka reer Puntland ee ku sugan magaalada Garoowe,
 
Hadaba, waxaa maanta kulan shirbalaaran ah isugu yimid hoolka shirarka ee barlamaanka dhamaan musharixiinta iyo golaha wakiilada Puntland iyo saxaafada oo ka soo gudbinaysay warkooda, waxaana jirtay in ay musharixiintu horay u tira badnaayeen laakiin ay qaarkood dhawaan tanaasuleen, waxaayna tirada guud ee musharixiintu hada maraysaa 16musharax, oo u kala baxa 9musharax madaxwayne puntland iyo 7 u sharaxan madaxwayne ku xigeen,
 
Musharixiintu waxay kulanka saaka ku soo gudbiyeen midkastaaba  CV_giisa,waxayna mid mid u soo bandhigeen balanqaadyo waxqabadleh, hadii la doorto, waxaana balanqaadyadooda ugu badnaa qorshaynta waxqabad ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, caafimaadka,waxbarashada, iwm, balanqaadkaas musharixiintu ma aha mid loo tixgalindoono sida ay sheegeen wakiiladu, codkana laguma siindoono,
 
Sida uu qorshuyahay waxaa la filayaa in ay barito tahay maalintii ugu danbaysay ee la dooranlahaa labada masuul ee ugu sareeya golaha xukuumada,isuna noqonaya madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland,
 
Sikastaba xaaladu hanoqotee,waxaa malmahan dhaqdhaqaaq xoogleh laga dareemayaa qorshaha ku saabsan doorasha xukuumada puntland,waxaana barito oo ay dhacayso la xiridoonaa labada kaantarool ee ku yaala labada dhinac ee magaalada garoowe,sida ay sheegeen musiiliyiinta amnigu,
 
NB,waxaa haboon in aan la illaawin ee lala socdo weedhaan (INSHA DADWAYNUHU DHALIIL BAY ARAGTAA),
 
F.Q. Dr. Haruun Xasan

Garowe:
 

webmaster@ceegaag.com