shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Dowladda Midnimo Qaran waa inay Ahlu Sunna Wal Jameeca Saamigooda Ku Yeeshaan'

(Soomaaliya, January, 08  2009 Ceegaag Online) 

Aniga oo qadarinaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee hamuunta u qaba inay dalkeenna ka dhalato nabad waarta ayaa waxaan soo-jeedinayaa in la hubiyo ka mirodhalinta geedi-socodka dib-u-heshiisiinta Jabuuti oo ay dhab ahaantii aqlabiyadda bulshadu gacmo furan iyo niyad wanaag ku soo dhaweeysay.

Waxay dadweynuhu ka walaacsan yihiin kala burburka ku yimid isbahaysigii dib u xoreynta Soomaaliya (ARS) oo u kala jabay laba qaybood oo Asmara iyo Jabuuti xarumo ka kala dhigtay. Nasiibdaro, qaybta Asmara laguma guulaysan inay ka qayb qaataan wada hadaladii socday ilaa bishii shanaad ee sanadkii la soo dhaafay. Sidoo kale, waxaa xaqiiqo ah inaysan qayb ka ahayn barnaamijka dib-u-heshiisiinta ee Jabuuti ururro hubaysan oo dalka ka dhaqdhaqaaqa sida Al-Shabaab, jabhatul Islaam, Raaskambooni, iwm.

 

Waaqica ka jira gayiga Soomaaliya hadii si dhab ah loo cabiro, waxaan indhaha laga qarsan karin ahmiyadda ay leedahay in la hubiyo ka qayb qaadashada Ahlu Sunna Wal Jameeca dhismaha dowladda midnimo qaran annaga oo qadarinayna baaxada taageero ee uu leeyahay Golaha Culuma'udiinka Ahlu Sunna Wal Jameeca, doorkiisa taariikheed ee halgalkii gobanimo-doonka Soomaaliya, ilaalinta dhaqanka suuban ee Islaamka oo aynu uga duwanayn ummadaha kale ee qaaradda Afrika nagula nool, dhowrista midnimada caqiideed ee bulshadeenna, nabadeynta iyo walaaleynta beelaha Soomaaliyeed oo aysan marnaba ka daalin muddadii dowlad la'aanta la ahaa, cududda ay ku leeyihiin dhamaan gobolada,degmooyinka iyo tuullooyinka dalku ka kooban yahay, iyo doorka ay haatan ka qaadan karaan soo celinta xasiloonida, kala dambeynta iyo sarreynta sharciga oo ah waxa ugu weyn ee hortaagan soo celinta qaranimadii iyo sharaftii dalkeenu lahaa.

 

Hadaba waxaa la is waydiin karaa sida looga qayb galin karo ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca geedi-socodka nabadda ee haatan socda? Hadii ay daacadnimo jirto oo ay dhab naga ahayd in aanu raacno qodobada lagu soo heshiiyey, si cad ayeey ugu qeexan tahay in qaybaha bulshada ee aan qayb ka ahayn heshiiska ay albaabadu u furan yihiin (eeg qodobka 5aad farqadda labaad) ee heshiiskii ugu dambeeyey ee la saxiixay 26 October 2008.

Waxa kaliya ee shacabka Soomaaliyeed isku aragti ka yihiin waa inay xadka ka baxsan tahay tirada lagu heshiiyey inuu baarlamaanku noqdo oo 275 lagu daro 275 kale. Waxaan qabaa sida kaliya ee looga qancin karo dadweynaha Soomaaliyeed baahida keentay in uu dalkeenu yeesho 550 xildhibaan oo u dhiganta baarlamaanka dalka Hindiya oo tiradoodu kor u dhaaftay hal bilyan oo ruux (KUN MILYAN) waa iyada oo Ahlu Sunna Wal Jameeca lagu soo dhaweeyo saami-qaybsiga dowladda midnimada qaran.

Ugu dambeyntii, waxaa dhici karta in dadweynuhu is waydiiyaan in ay Ahlu Sunna Wal Jameeca diyaar u yihiin ka qayb qaadashada heshiiska iyo dhismaha dowladda midnimo qaran? Waxay ila tahay in ay waajib ku tahay Dowladda Federaalka KMG iyo ARS, iyo sidoo kale Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Ahmadu Walid Cabdalla, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ay ka dalbaan, kuna soo dhaweeyaan Golaha Culuma'udinka Ahlu Sunna Wal Jameeca ka qayb qaadashada talada iyo dhismaha dowladda.

 

Wabilaahi Towfiiq..

 

Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad

webmaster@ceegaag.com