shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ogaysiis: Xaflad lagu sagootinayo Wasiirka cusub ee Axmed Garaash oo ka dhacasa Xafiiska Caruurta iyo Dumarka ee JP.

(Boston, January 21,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa la ogaysiinayaa dadwaynaha Soomaaliyeed ee reer Boston khaasatan kuwa reer Puntland inay ka soo qayb galaan Xaflad sagootin ah oo loo qabanayo Wasiir Axmed Garaash oo ka mid ahaa Odoyada reer Boston 15kii sanadood ee ugu danbeeyay.

Waxaa xafladan soo qaban qaabiyay qabanaya shacabka Soomaaliyeed ee reer Boston iyaga oo ku sii sagootinaya odoygoodaa u hibeeyay wakhtigiisa inuu ku taageero wadankeenii oo aad la wada socotaan meesha uu xaalkiisu marayo.

Waxaa lagu qabanayaa xafladan Xafiiska Caruurta iyo Dumarka ee JP , ee ku yaala xaafada Jamaica plain.

Maalinta Axada bishuna tahay Jan 25, 2009

Saacadu waa 3:00 galabnimo ilaa 6:00 fiidnimo ha la ilaaliyo wakhtiga.

Waxay xafladu u dhici doontaa sidatan

3:00PM waxaa lafurayaa Rugta

3:15PM Waxaa lagu bilaabidoonaa Isxasuusinta Wixii naloo abuuray oo ah sidii aynu ku noqon lahay adoomada Alle

3:40PM Waxaa laasoo bandhigidoonaa Gabyo, iyo Buraan Bur

3:55PM Waxaa lagu luuqeendoonaa Heesta Calanka Soomaaliya Iyadoo laga sheekeen doono sidii dalku ahaa

               wakhtigaa

4:00PM Waxaa hadalkooban soo jeedin doona wasiir Axmed Garaash  ilaa salaada Makhrib wixii intaa ka

               danbeeya waxaa loo ban bixi doonaa talooyinka iyo tusaalooyinka lagula dardaarmayo wasiirka

               waxaana wasiirku ka jawaabi doonaa wixii su'aalo ee dadwaynuhu  Qabo inta uu kala socdo dalkeenii

                Hooyo.

Ha la ilaaliyo wakhtiga idinkoo aad u mahadsan,

Kasoo qaybgal wacan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com