shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaynu Soomaali ahaan ka filan karnaa Madaxwaynaha Cusub ee Mareekanka "Obama"

(Soomaaliya, January, 14  2009 Ceegaag Online) 

Sida aynu lawada socono baryahan danbe waxaynu ku badanay ama warkeena laga hadal hayaa daafaha aduunka kadib markii ay wiilasha busaaradu ku haysay xeebeheena ay ku guuleesteen inay afduubtaan marakiib uu saaran yahay badeecado kala duwan oo qaarkood sir xabaarsanaayeen sida kii hubka afrika laysugu dhiibayay iyo kii saliida ee laga lahaa Boqortooyada Sucuudiga.

Afduubka maraakiibtan oo soo ban dhigay dawlad la'aanta Soomaaliya lagu eeganayay inay caqabad ku noqotay Jeebabka iyo dhaqaalaha wadamo badan oo wax is bidiyay.

Hadaba madaxwaynaha shaqada ka tagaya ee wadankan mareekanka ayaa isagu ku guul daraystay inuu alifo amaba isku dayo inuu wax ka qabto arimaha Soomaaliya oo uu aabihii horay isugu dayay inuu wax uga qabto. Madaxwaynaha Wakhtigu ka dhamaaday ee Bush ayaa isagu ku sifeeyay Soomaaliya meel ay wali ku socota aargudasho uu mareekanku ka arrgudanayo  askartii Kamaandawsta ahayd ee lagu laayay sanadkii 1993,  uusana doonayn in dawlad ka dhalato.

Hadaba madaxwaynaha cusub ee jagada loo dhaarinayo wiiga fooda inagu soo haya ayaa isagu ah mid u dhuun daloola xaaladaha ka taagan geeska afrika oo uu aabihii kasoo jeedo, dhibaatada aan dhamaan ee reer Haiti. qabyaalada Democratic Republic of Congo. Xasuuqa ka taagan Burundi, Sudan, Zimbabwe. sidoo kale xaalada reer Soomaliya.

Waxay u eegtahay inuu Madaxwayne Obama sida kaliya ee uu ku furdaamin karo dhibaatada haysada Qaarada madow ama dadka Madow inay tahay uun inuu ku dadaalo in uu kaga dhabeeyo si daacad ah balanqaadkii uu horay u sheegay inuu yahay sida kaliya ee qaarada madow wax lagaga qaban karo mashruucan oo afka ingirriska lagu yidhaahdo "Millennium Development Goal of cutting extreme poverty and hunger around the world in half by 2015" Wadamada aduunka ayaa balanqaaday inay Gaajada cidhib tiraan kala badh dunida sanadka 2015ka.

Waxaana uu u baahanyahay inuu u o golaado ama ku taageero dadka madow ee daafaha aduunka inay helaan marka hore dawlad ay ka raali yihiin, oo danahooda ka shaqaysa cidii uu u arko inay dadkeeda dibin daabyeenasana waa in uu xoog iyo siyaasadba wax kaga qabtaa.

Waxaase laga yaabaa inuu ku guul daraysto hadii uusan marka hore joojin labada dagaal ee haatan ciidamada Mareekanku ka wadaan wadamada Ciraaq iyo Afgaanistaan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com