shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaad Ka Taqaanaa Ahlu -Sunah Wal Jamaaca?

(Hargaysa, January, 10  2009 Ceegaag Online) 

Tan iyo burbur-kii soomaaliya ka dib, waxaa maalinba maalinta ka dambeeysa sii kordhayay, Khilaaf diimeed-ka u dhexeeya Culuma Awdiinka soomaaliyeed, iyo Is qab qabsiga, u dhexeeya, kuna saleeysan, Fikradaha kala duwan, ee ay kala aaminsanyihiin

Hadaba Dhowr-kii sano, ee tagay ka dib, waxaa cirksa isku sii shareeray, khilaafka wadaadadu, khilaaf kasoo dhaliyay, in masaajidada qoloba qoloda kale, ay ka dhaleeceyso, iyagoo waliba dadka caamada ee aan cilimiga lahayn ee dhageeysnaya u sheega in qolo kasta iyagu saxanyihiin,

Kooxda iyagu la magac baxday, ahlu suna wal jamaaca oo asalkoodu ka soo jeedo suufiya, waxa ay ku eedaayaan Culimadan kale, ama ay u yaqaanaan, Al wahaabiya, iyagoo u Tiiriya, Sheekhii weynaa, ee ree sucuudi carabiya Sh. Maxamad cabdul wahaab, Ee isagu usoo halgamay diinta kana baabibi`iyay dalka sucuudiga in ilaaheey qeyrkii la caabudo oo qubuurahana la Ziyaaarto iyadoo cibaado loola jeedo arintaasi oo ay aaminsayhiin kooxda al suufiya,

waxa ay leeyhiin, dadka Xumaan ayay baraan kooxadan wahaabiya, iyo diin qaldan, waxa ay yidhaahaan, ilaaheey meelk sasta ma joogo

Halka wadadaada kalena ay iyaguna ku doodayaan, in Qolodani  aanay ahayn ahlu suna wal jamaaca, asalkoodu ay yihiin, Suufiya, oo ay leyihiin ilaaheey meelkasta wuu jooga, Cilimi ahaan iyo daata ahaan, Sida saxdana ay tahay in ilaaheey, meel kasta uu ku joogo Cilmigiisa, laakiin aanu ilaahey soo dhex galin makhluuqiisa. 

Qodobada ay isku hayaan, labadani kooxood way fara badan yihiin laakiin, qodobka ugu weyn ee ay isku hayaan, ayaa kan ah. Waxaa kusoo xiga, in ay kooxdan sheeganysa ahlu suna, ay aaminsayihiin, in qabriga, la ziyaaran karo, si ay u helaan waxa ay ilaaheey ka doonayaan, oo waxa ay usii maraan, Qabrigan, Quruumaha fara badan aasnaa, waxa ay  leeyihiin adigaanu ilaahey kuu mareeynaaye, wax na sii!!!!! Ama hadii aan si kale dhigo sheikh hebeloow, hadaad waxaa I siiso, waxaan qabrigagu ku gowracayaa neef adhi ah.

Qolyahan iyagu ku abtirsada Sheekh maxamed cabdul wahaab, ayaa iyaguna, u kula baxay, Dhowr kooxood oo la kala yidhaaho,

Alitaxad

Al islaax

Al ictisaam

Al salafiya

Al takfiir

Sanadii 2003-dii ayaa waxaa isku fara saaray, magaalada muqdisho laba kooxood oo la kala yidhaaho, al itaxaad iyo al salafiya, waxaana ku dhaawacmay, hal qof, markii dambena Khilaafkooda waa la xaliyay,

Dhowr iyo sagaashanadii, markii ururka al itaxaad,  dagaal faraha looga gubtay,ay ku la galeen Cabdulaahi yuusuf gobolada bari, oo ay waliba ku jabeen wadaadadu dagaalkaasi, ayay Shir isugu yimaadeen, magaalada laascaanood, taasoo lagu go`amiyay, in hubka la iska dhigo, oo dadka  Fikrad ahaan loo dhiso diintana la baro, Si mustaqbalka loo helo, Taageero Xoog leh, oo wadanka oo dhan  ku maamuli karaan.

Arintaa rag ka mid ah, Ururka al-itaax, way ku gacan seeydheen waxa ayna ku dhaarteen, in ay xabada wadayaan, ilaa xukun islaami ah, laga dhaliyo soomaliya, Kooxdaasi Qaadacday Shirkaasi go`amadaa ka soo baxay, awoodooda, may ahayn, mid sidaa usii buuran, Hase ahaatee maalinba maalinta ka dambeeysa way sii xoogeysaneeysay, waxa ayna ku xoog badnaayeen, Goboloda jubooyinka, Sanadii 2004-tii horaanteedii waxa ay la bexeen, Alshabaab,  wakhtigii ay koonfurta somaliya ka talinayeen, maxkamadaha, waxa ay haysteen, Qeybta meletiriga, oo lagaga dambeeyay.

Bishii December ee 2008-dii ayaa waxa ku dagaalamay, magaalada guriyeel, Ururka al shabab, iyo ahlu sunah wal jamaaca,

Hadii aan usoo dhaadhaco, Cinwaanka mowduuca, ee ahaa maxaad ka taqaanaa ahlu sunah wal jamaca?

Bal aynu macneyno, waa maxay ahlu sunah wal jamaaca, micnaha ay xambaarsantahay? waxaa la yidhaahaa, Qoloda raacda Dariiqadii Nabi muxamd CSW) magacaasi cid kasta, way sheegan kartaa waayo waa magac qiimo badan, laakiin way kala duwanyihiin sheegashada, iyo in qofku uu ku sifoowo.

Hadii aad tidhaaho, ahlu suna ayaan ahay, nabi muxamad CSW, dariiqadiisina ma raacayo, waa nasiib darro, sida hada haaysata, walaalaha sheeganaya, ahlu suna wal jamaaca, oo lagaa yaabo wax yaloo fara badan, oo aan nabi muxamad shaqo aan ku lahayn ay aaminsan, Sida in uu ilaaheey meel kasto joogo makhluuqiisuna, Soo dhex galo, arintaasi oo diinta islaamka xukun ahaan, laga yaabo in uu qofku ku gaaloowo,

Waxaa kaloo iyana, guul darro ahi, in dad diin ku abtirsanaya, ay iska laayaan dad muslimiin ah, oo aan waxba galabsan, waliba aaminsan in janno lagu galayo.

Hadaba akhristoow, Qofka ku yidhaaha waxaan ahay, ahlu sunna, waxaad u eegtaa  in uu qofkaa, hayo daraaqadii nabi muxamad CSW, hadii aad ka weeydo, Dariiqadii nabi muxamad, waxaad ogaataa, in uu beenaalo yahay, oo waxa uu sheeganayo, aanay dhab ahayn.

W.Q.  Adan Cabdulaahi

EMAIL: adandeq2@gmail.com

webmaster@ceegaag.com