shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mashaqo ka dhacday deegaanka Cadaadda ee koonfurta gobolka Sool.

(Laascaanood, January 21,  2009 Ceegaag Online) 

Dagaal aan wali la hubin khasaaraha uu gaystay naf iyo maal balse hadda lagu hawllan yahay in la helo xogta dhabta ah iyo khasaaraha uu gaystay  ayaa galabta ka dhacay degaanka Caddaada ee koonfurta gobolka Sool.

Wararka ayaa tibaaxaya in laysu adeegsaday qoryaha waawayn iyo kuwa fududba. Colaaddan ayaa u dhaxaysa laba beelood oo deegaan wadaag ah kuwaas oo horay ugu dagaallamy aaggaas sanadkii la soo dhaafay ee 2008.  Colaaddan ayaa la sheegay in ay salka ku hayso muran dhul-daaqsimeedka u dhexeeya labaas beelood ee walaalaha ah.

Wixii warar ah ee ka soo kordha khasaaraha dagaalkan kala soco Ceegaag Online.

 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com