shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Ma ka faa’iidaysanaa Geela ma se naqaanaa Waxtarkiisa?

(Soomaaliya, January 20,  2009 Ceegaag Online) 

Allaah ayaa mahad iyo amaanba mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka Amaan iyo Nabadi ha u sugnaato kii aanu jirin Nebi ka dambeeyaa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii iyo Taabiciintoodii iyo Atbaacdoodii iyo mid kasta oo wanaag ku raacay kuna hadaysmay Hanuunkiisii ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha.

Intaas ka dib:

Qoraalkanu waa Qoraal la xidhiidha Caafimaadka, waana faa’iidooyinka ku sugan Geela Hilibkiisa iyo Caanihiisa, waxan u malaynayaa Soomaali hadaynu nahay in Geela Qof kastaa yaaqaano, uuna aad muhiim ugu yahay Nolosheena lana ogyahay faa’iidooyin badan oo uu leeyahay, laakiin aanay Dadka badankiisu u sheegi Karin faa’iidooyinkiisa si Cilmi ah, si kastaba ha ahaatee maadaama aynu ka mid nahay Dadyowga aadka u dhaqda noocan ka mid ka ah Xoolaha, lanaba yidhaahdo Geela Aduunka ugu badani wuxuu ku dhaqan yahay Soomaaliya, waxaana ku xigta Ethiopia iyana dee Dadka ku dhaqda halkaana badankoodu waa uun Soomaali.

Si kastaba Arintu ha ahaatee dee ilaa waa Geeloo waa sharftii Xooleheenee, wuxuu mudan yahay inaan Hordhac yar ka samayno intaynaan u gelin faa’iidooyinkiisa, hase yeeshee aniga waa layga badiyaa Geela oo intii aan Garaadka fiican yeeshay runtii kama ag dhowaan, laakiin se waxa aan ku leeyahay xusuus yaraantii ah, labada Dhaqan ee Magaalada iyo Miyigu aad bay u kala duwan yihiin, Dadka labadaa Dhaqan ka soo kala jeedaana aad bay u kala duwantahay Noloshoodu dhinac kastaba, Qolo walibana Qolada kale bay la yaabtaa oo liidaa, sida ay Soomaaliba u badan tahay aniga Reerkayagu Miyi iyo Magaaloba waxbaan ka degnaa, anigu markii aan yaraa waxaan ku barbaaray Magaalada, hase yeeshee Waqtiyada Schoolka la fasaxo waxa lay saari giray Miyiga oo Mudadaa waxaan wax ka qaban jiray Hawlaha Miyiga inta Itaalkayga ah, Waxyaabaha aadka xusuusta iigu leh waxa ka mid ah Geel oo ahaa hawsha ugu badan ee lay diri jiray marka halkaa lay geeyo.

Somaalidu sida caadada ah gaar ahaan Dadka Miyiga wuxuu u yahay Geelu Karaamo iyo Sharaf ay isugu faanto, Reerka aan Geela lahayn waxa loo haystaa in uu yahay Caydh, wuuna ka hooseeyaa Dadka iyagu Geela leh, waxayna u kala qanisan yihiin Dadka Miyigu siday u kala Geel badan yihiin, aniga Reerka yagu ma ahayn Reeraha lagu yaqaano oo ku caanka ah Geel badan, mana ahayn kuwa la yidhaahdo Geel ma laha, yacni iska meel dhexaad baanu ahayn, tirada Geelayagu marna kor bay u kici jirtay marna hoos bay u dhici jirtay, markuu ugu badnaa ee aan xusuustana wuxuu gaadhay 150 Dhedig iyo Laba.

Geela wadankeena ku dhaqani wuu kala noocya duwan yahay oo waxaa dhici karta in Qaar Asalkoodu ka soo jeedo Wadama kale ama Gobolo isla Wadanka ah oo kala fog fog, hadba nooca uu yahay Geelu isma bedelo oo Dirkii uun uu ka soo farcamay buu la mid yahay, runtii Arintan wax Cilmi ahaan u baadhay ma arag, laakiin se waa sidaan anigu u arkay, oo Geelayaga baa sidaa u kala duwanaa, oo wuxuu ka koobna intaan kala sooci karaayay Waqtigaa, ilaa saddex nooc oo qayb waliba ay Dir magac lahaa ka soo farcantay, wuxuuna ku kala duwanaa xaga Midabka, Adkaysanka, Badinta iwm. Saddexda nooc ee aanu lahayn waxay ahaayeen sidatan: kan hore waxaa la odhan jiray Dir Yaaba.

 Yacni Hashii uu Geelaasu Asal ahaan ka soo jeeday baa la odhan jiray Yaaba, anigu Duqdii Yaaba ma arag oo ma soo gaadhin, laakiin waxaan soo gaadhay Geelii ka soo farcamay, oo wuxuu ahaa Geel Midabkiisu yahay Cadaan oo ka gaagaaban Geela kale. Noocanu wuxuu ahaa mid aad u adkaysan badan oo u adkaysta Abaarta iyo Oomanaantaba, laakiin aad buu u yarayn jiray oo Caanihiisu ma badnayn, noocanu badanaa wuxuu dhali jiray Dhedig bal ma xusuusni Awr Dirkan ka soo jeeday, Dirkanu aad buu u tarmi jiray.

Dirka labaadna wuxuu ahaa Dir Cartan, sidoo kale Duqdii Cartan ee noocan Geela ahi ka soo farcamay maan arag, Dirkanu wuxuu ahaa Geel Cascas aan se Dhogor badan lahayn, aad buu ugu adkaysan daraa Abaarta, Oomanaanta iyo Dhaxantaba, noocanu ma taran badnayn wuxuu se dhali jiray sidii kii ka horeeyay ee aan hada soo xusnay badanaa Dhedig, noocanu aad buu u badin jiray, laakiin waxaad moodaysay in aanay ku haboonayn Dhulkii aanu niilay Bii’adiisu, oo noocan had iyo jeer arag xumo ayaa ka muuqan jirtay oo xataa ma naaxi jirin Marka ay Barwaaqadu jirto, Xanuun baa badanaa kaga dhici jiray Candhada markaas ayaaba layska dayn jiray maalistiisa.

Noocan Geela ah iyo kii ka horeeyay ee aan hada soo xusnay lagama heli jirin oo kumaan arag Dhulkaa aanu degno inta aan arkay noocooda. Nooca saddexaadna oo ahaa nooca Geelayagu u badnaa waa nooca Geela Soomaaliduba u badan yahay, noocanu waa baadiya yacni waa Caana badan yahay waana adkaysan badan yahay xaga Abaarta iyo Oomanaantaba, waxan ka xusayaa noocan laba Halaad oo xusuus dheer igu leh, tan hore waa Qowl, Qowl waxay ahayd Hal aad u badisa oo Hebed ah iyada oo ay xataa Caruurta yar yari maali kari jirtay, Hashanu waxay inta badan dhali jirtay Awr, Awrtaas oo noqon jirtay Awr aad u waawayn oo aad u xoog badan.

Awrta ay Qowl dhasho waxaa laga dhigi jiray Baarqabo oo Geelaa loo hayn jiray, Awr aad u fiican oo Dadkoo dhami aad u wada jeclaan jiray bay ahaayeen iyada oo Reeraha kale naga amaanaysan jireen had iyo jeer, si ay ugu rimiyaan Geela Dadka kale. Hasha kale ee aan jecelahay inaan xuso waa Qaabil, Qaabil xoog uma badin jirin oo iska meel dhexaad bay iska ahayd, Qaabil sidaas Qowl bay hebed ahayd oo Caruurtu maali kari jirtay, Qaabil inta badan waxay dhali jirtay Awr aan tayo fiican lahayn, waxay ahayd Hal aad u hawl badan oo socod badan oo intaas soconaysa oo aan istaagin, Geelana Hogaamiye ayay u ahayd oo meesha ay marto baa Geelu wada mari jiray, ilayn Xayawaanka iyo wax kasta oo Noole ahiba waxay leeyihiin Hogaan sida Basharka ee, marka laga reebo Soomaalida, Soomaalidu waa Noolaha keli ah ee aan lahayn Hogaan oo Hogaanka ee isku wada haysta.

Marka Geela hadii uu Hogaamiye u yahay Tulud socod badani ma xasilo oo ma daaqo, ee intaa waa soconayaa, Qofka raacaana waa ku dhibaatoodaa, hadiise Tulud degani Hogaamiye u tahay wuu xasilaa oo iska daaqaa, Dadka ilaalinayaana way nastaan, Geela Soomaalidu kama kasbadaan manfac sidaas u badan oo aan ahayn inay ku faanaan, hawshiisuna way badan tahay, waxaa la odhan karaa waa Hawl culus, Geela inta badan laguma hayn karo Dhulka deegaanka ah, gaar ahaan haduu badan yahay, oo wuxuu rabaa in la geeyo meel deegaanka ka fog, Reeruhu waxay kala hadhaan dhowr Tuldood oo ay Caruurta u maalaan, inta kalena waa la xeriyaa oo inta Geelal badan laysku daro baa waxa la geeyaa Dhul deegaanka ka fog, markaa xerin baa la yidhaahdaa.

Waxaa raaca oo lagu daraa Geela marka la xeriyo Wiilal yar yar iyo Dhalinyaro meel dhexaad ah iyo iyana Rag waawayn, intaana Qayb waliba shaqa gooni ah bay ka qaataan ilaalinta iyo maaraynta Geela, hawsha badankeeda waxa qabta Wiilasha yaryar, oo maalintii oo dhan Geelaas bay daba joogaan, oo marba dhinac u wadaan oo ilaaliyaan, waa in mid kastaaba Gudin iyo Doobi Qarqarka ku sitaa, waa in Marqyo Geel lagaga duubo Naasaha si aan Nirguhu u jaqin oo kayd ah isna Qarqarka ku sitaa, waa in ay had iyo jeer sitaan Ul ama Dhenged wanaagsan oo ay Geel ku ilaaliyaan, waa in had iyo jeer Doobigiisu ama Hadhuubkiisu hogaysnaadaa, Hogayntuna waa habka lagu nadiifiyo Doobiga ama Hadhuubka Geela lagu maalo.

Maalin oo dhan Geela ayay daba joogaan oo raacaan, Habeenkiina ma seexdaan ilaa Geela la liso oo goor dambe ah, Cunto waxa u ah Caanaha Geela oo keli ah, Hilibkiisana badanaa lama arko oo Soomaalidu badanaa Geela Birta kulama dheerayso, laakiin waxay Nafahooda u diideen waxaa uga soo soka mara oo dhameeya Abaar iyo Cudur, si kastaba ha ahaatee Caanaha Geelu waa Cunto dhamaystiran sidaan ku xusi doono Qoraalkan Qaybihiisa dambe, markaa Wiilashaa yar yari aragoodu ma xuma, oo aad bay uga xoog badan yihiin oo uga adadag yihiin kuwa Guryaha jooga, midabkoodu wuxuu noqdaa Cawliin xataa Timahood waxay noqdaan wax cawlan, laakiin waxaad aad ugu baahanaysaa inaad cunto wuxuun Calalis ah.

Anigu in kasta oo aan Magaalo ku barbaaray hadana Fasaxa School ka ee wayn ayaa Miyiga lay saari jiray, dabadeedna waxaa lay raacin jiray Geela, marka waxaa dhici jirtay in halka ay Caruurtu ku faraxdo fasaxii oo soo dhowaaday, anigu waan karaahiyaysan jiray oo waxaan odhan Jiray: “war nin yohow ma saddexdii Bilood ee baas baa soo socota”, waayo ilaalinta Geelu waa nolol adag oo dayac ah, waxa keli ah ee la quutaana waa Caanaha Geela, iyaguna marka dambe way kaa hor imaanayaa oo waad nacaysaa.

Waan xanuunsaday markii iigu horaysay ee Geela lay geeyay markaan joogay dhowr Todobaad oo Caano wax aan ahayn aanan quudan, ayaan xanuunsaday, markaas baa Awr laygu soo qaaday oo waxaa lay keenay Gurigayagii Miyiga, Dadkii Guriga joogay ayaa waydiiyay Nimankii Awrka igu siday, war maxaa helay Inanka? Waxayna yidhaahdeen yarku wuu bariisooday!!! Waa markii iigu horaysay ee aan maqlo Xanuun magacaa leh, waxana markii dambe ogaaday in uu yahay Xanuun ku dhaca Dadka aan u baran in ay Caano uun keliya cabaan, oo waxay u baahdaan inay helaan wax calalis ah.

Markaa Bariis baa lay kariyay waana ku bogsaday, in kastoo ay Arintanu igu soo noqnoqotay dhowr goor oo aan bariisooday, mararka qaarna waan iska yeel yeelaayay si Guriga lay geeyo oo aan Maalmo ka soo nasto raacista Geela. Dhalinta meel dhexaadka ah shaqadoodu waxa weeye in ay kuwaa yar yar Geel ku dul ilaaliyaan oo korkaa kala socodaan Geela iyo yaryarka raacaba, waa Korjoogayaal, iyagu fursada badan bay u haystaan in ay meelahaa iska soo marmaraan, oo hadba Reer u tagaan oo Shaah iyo Cunta kaleba ka soo helaan ama Gabdhaha meelahaa Adhiga la jooga la soo haasaawaan, Galabtiina yar yarka ayay Geela la soo caraabiyaan iyagaana lisah Geela.

 Dhalintaas qaarkood waa Dhib badan yihiin oo yar yarka ayay laayaan ama had iyo jeer canaantaan hawla badana u diraan, in kastoo Rag fiic fiican oo yar yarka u wanaagsanina ku jiri karaan, anigu waxaan ka xusuustaa kuwii wanaagsanaa ee aan markaa Geela la wada joognay saddex Nin oo aanan hada Waqti aad u dheer arag, waxaana la kala odhan jiray: Maxamed Maxamuud Caydhimaleh, Cumar Cabdi Nuur Xiddig iyo Cismaan Dirir Yalal.

Raga waawayni iyagu woxoo dhan dushaa bay ka ilaaliyaan oo kala socdaan, shaqadooduna waa uun Arimaha waawayn sida marka meel loo guuro inay raraan Geelasha, oo Galayaal Cusub u samayaan iyo marka la aroorinaayo inay yimaadaan oo Geela waraabiyaan, inta kale dushaas bay kala socdaan waxayna badanaa iskaga maqan yihiin Tuulooyinka meeshaa ka ag dhow, raacista Geela iyo dhaqistiisu aad bay u hawl badan tahay, manfac badana lagama helo sida ay Soomaalidu u adeegsadan, waa uun magac iyo Qurux laysugu faano, hadiise sida Dadyowga kale ay u adeegsan lahaayeen wax badan bay ka faa’iidi lahaayeen. Geelu wuxuu ugu dhib badan yahay oo ugu arag xun yahay markuu Abaarta ku jiro.

 

Qaaliyey Aduun kaa qafilan qaabka uu yahaye

 Qowlka iyo Darantii hadaad u Qalbi taagayso

Qabowgii Higlooliyo hadaad Qudhacle doonayso

Rag ka quusay Dooxooyinkaad qaaya ku lahayde

Qallaalkii Furriyo waa abaar qalaxi Geed-dheer e

Qows kama bidhaamaa la yidhi Qararki Hooslay e

Warsangeli wuxuu sii qubnaa Guban qallaalkeed e

Qallaafay ku duuleen kuwii Qowlo yuururaye

Cabdi-Naasir qalalaasihii qabay Ogaadeen e

Afartaadan Qoob iyo Candhada qaabilka aad moodo

Oogada qabiirtiyo Gollaha Qolofka kaa saran

Qac markaan ku siiyaa Indhaha lay qarrariyaaye

Amba qulubka waan kula qabaa qarawga laylkiiye

Jiiqdaad Quulaha ka guro qiil Allaa bixine.

Allaah ha u naxariisto Halyaygii Abwaan Ismaaciil Mire.

 

 

Hilibka Geelu wuxuu kaa ilaaliyaa korodhka Miisaanka iyo Xanuunada Wadnaha

 

Waxay Baadhayaal Tunisian ahi cadaynayaan kuna adkaysanayaan in Hilibka Geelu uu ka wanaagsan dhamaan Hilbaha kale oo dhan, marka laga eego in uu Dufanku ku yar yahay, uuna kaga sarayo qiimaha quudinta Hilbaha kaloo dhan. Waxay muujisay Diraasad lagu samayay Tunisia, iyadoo lays barbar dhigay Hilibka Geela, kan Lo’da, kan Adhiga iyo kan Digaaga, in Hilibka Geelu uga wanaagsan yahay dhamaan Hilbaha kale oo dhan, xaga ku haboonaantiisa iyo waxtarkiisa kuwa doonaaya in ay dhimaan Miisaankooda iyo inuu ka ilaaliyo Xanuunada Wadnaha ee kala duwan, marka loo eego in ay nisbada Dufanku ku yar tahay Hilibka Geela.

Waxay kaloo intaas ku dartay Diraasadanu oo lagu soo qoray Wargayska Aladwaa oo ka soo baxa Caasimada Tunis, in Hilibka Geela ay ku gaar tahay Fibres adadag oo qalafsan oo balbalaadhan oo isku xidh xidhan oo ka madhan Dufanka ku khaldan Muruqyada. Waxa kaloo ku yimid Diraasada in ay Dhakhaatiirtu kula talinayaan cunista Hilibka Geela Dadka iyagu raacaa ama ku socda Nidaamka Regime ka Cuntada (yacani doonaaya in ay miisaanka dhimaan) iyo in ay yarayaan nisbada Cholesterol ka Dhiiga, marka laga eego in ay ku jirto Hilibka Geela Acids ka Dufanka ah ee aan buuxin (Unsaturated fat acids) waana waxa yaraynaaya suurtagalka ah in ay Qofka ku dhacdo Xanuunada Wadnaha ee kala gedisan.

Waxayna tilmaantay natiijadii Diraasadu, in ay Dhakhaatiirtu heleen xidhiidh dhow oo ka dhexeeya qaadista Xanuunadatan iyo kordhinta cunista Acids ka Dufanka ah ee buuxa (saturated fat Acids) ee Dufanka Hilibka Lo’da, Buffalo ga, Adhiga iyo Riyaha. Waxana Diraasadan ku timid in dhadhanka Hilbaha ee ay Dadka qaarkood ka doorbidaan Hilbaha kale ay ku xidhan tahay nisbada Dufanka ee ku jirta Hilibkaas, iyada oo tilmaamaysa in Hilibka Geela ay ku jirto nisbad ka yar tan ku jirta Hilibka Lo’da.

Hase yeeshee Hilbaha Geelu waxay ka sarayaan Hilbaha kale oo dhan xaga qiimaha quudinta caafimaadka leh, marka laga eego nisbada aadka u saraysa ee Amino Acids ka ee ku jira Dufanka Hilibka Geela marka la barbar dhigo Hilibka Lo’da. Waxayna sugeen oo cadayeen Baadhitaanadii Cilmiga ahayd ee kala duwanayd ee Diraasadan, in Amino Acids ka daruuriga ah ee ku jira Hilibka Geela ay ka sarayso kuwa ka jira Hilibka Adhiga, Hilibka Lo’da iyo Hilibka cad iwm.

 

 

Faa’iidooyinka Caanaha Geela

 

 

Guud ahaan Caanaha Geelu waa cadaan u janjeedha casuus, sida caadiga ahna waa macaan, hase yeeshee mararka qaarkood waxa dhadhankiisu u janjeedhaa dhanaan, mararka qaarna wuxuu noqonayaa dhadhankiisu sida dhadhanka Biyaha. Wadamada qaarkood Dadku ma jecla Caanaha Geela, bal waa diidaan sababta oo ah Dhadhankooda oo la necbaysto waa siday yidhaahdeen ee, hadii la rux ruxo Caanihiisa ama marka la lisaayoba waxaa ku samaysma Xoor ama Xumbo haba ahaato Waqti gaaban ee, waxana keena isbedbedelka dhadhanka Caanihiisa oo ay ku xidhan tahay Geedaha ama Dhirta uu daaqo ama waxyaabaha la siiyo iyo Biyaha uu cabo.

 

 

Marka in mudo ah meel la dhigo Caanah Geela waxaa korodha heerka Acid da waana nisbad boqolkiiba ah ee Lactic Acid, wayna ku sii korodhaa Caanaha Acid daa aan soo sheegnay laga bilaabo 03% markay oolaan laba Saacadood ilaa iyo 0,14% ka dib lix Saacadood markay yaalaan. Guud ahaan waxay leeyihiin Caanaha cusubi Acid hoosaysa dabadeedna qunyar qunyar bay u korodhaa marka la dhigo Caanaha, midabka Dambarka Caanaha Hasha oo ah Caanaha laga liso maalmaha u horeeya ee ay dhasho waa cadaan, wax yarna wuxuu ka khafiifsan yahay marka la barbar dhigo kan Lo’da.

 

 

Wadamada qaar waxa loo isticmaalaa Dambarka Cunta ahaan, hase yeeshee inta badan looma isticmaalo wax aan ahayn Calool socodsiiye, inta badana Wadamada dhaqda Geela waxaa loo ictibaar in aanu ku haboonayn cabista, bal waxaa loo ictibaaraa in aanu u haboonayn Nirgaha yar yar xataa, waxaana lagu shubaa Dhulka, iyada oo ay sidaas tahay markaan eegno in ay Dambarka ku jirto kimiyado waawayn oo Antibodies ah, Maadadaas oo Jidhka ka difaacda Jeermiska iyo in uu faa’iido u leeyahay Shiidista Cuntada ee Nirgaha yar yar, ayaa waxaa haboon in iyaga la siiyo hadaanu ku haboonayn in Dadku cabo.

 

 

Waxaynu kor ku soo sheegnay qaar faa’iidooyinka muhiimka ah ee ay Caanaha Geelu leeyihiin oo quudin muhiim ah ugu yihiin Dadka, marka la eego hodonimada Maadadaha ku jira Caanahakan iyo lahaantooda in ay ku jirto nisbado ah Biyo, Dufan, Protien, Solids, Lactose, Vitamin iwm, qadaro ka saraya nisabadaha la midka ah ee ku jira Caanaha Lo’da, Adhiga, Riyaha, Fardaha, Dadka iwm, ayay waxay u leeyihiin Ahmiyad wayn quudinta Dadka. Sidaas oo kale waxay sheegeen baadhitaano Cilmi ahi in shaqooyinka Beerku ku hagaagaan si wayn Bukaanka qaba Infections ka Beerka, taasna waxay timid markii lagu daawayay Caanaha Geela, taas oo cadaysay waxtarkooda xaga isku daawaynta.

 

 

Kenya waxaa cadaatay in Xoola dhaqatada cabta Caanaha Geela oo keli ah iyo sidoo kale Xoola dhaqatada cabta Caanahaa ee Mandaqada Dhaqxaanta ee Saxaarah wayn, inay ay ku sugan yihiin Caafimaad wanaagsan iyo firfircooni joogta ah, Caanaha Geelu xagooda waa ka caan in uu leeyahay Caafimaad iyo firfircooni joogta oo ay ku jirto inuu dhiso Lafaha Jidhka adkayona, qaar Xoola dhaqatada ku nool Caanaha Geela oo keli ah,waxaa Timohoodu isu rogaan casaan, laakiin se Timahaasu waxay ku soo noqdaan midbkoodii dabeeciga ahaa markay Dadkaasu helaan Cunto isu dheeli tiran, sidoo kale waxay noqon karaan Caanaha Geelu Calool Socodsiiye aad u xoog badan hadaanu Qofku cadaysan cabistooda.

 

 

 Waxaana cadaan ah inay Calooshu kacdo marka la cabo Caanaha Geela iyagoo kulul oo markaa la soo lisay, haday se qaboobaan wax wayn oo saamayn ah kuma yeeshaan socodsiinta Caloosh, guud ahaana si kastaba ha ahaatee Caanaha Geelu way jilciyaan Caloosha. Waxayna cadayeen Baadhitaanada qaar in Caanaha Geelu leeyihiin Sifooyin keenaaya in ay dhimaan Miisaanka Qofka, sidoo kale waxay fududayaan shiidista Cuntada ee Jidhka, sidoo kale waxaa la siiyaa Caanaha Geela Bukaanka, Dadka da’da ah, Caruurta iyo Dumarka Uurka leh, sababta oo ah hodonimada rakibaadooda Caanahan ee Maadadaha quudinta ee aan hore u soo sheegnay, gaar ahaan Acid da Dufanka ah iyo Maadadaha Protein ka ah iyo Vitamins ka iyo in ay Diraasadahaasu sugeen in Caanahanu ay faa’iido balaadhan u leeyihiin Caafimaadka iyo dhisida Lafaha.

 

 

Waxa lagu tiriyaa in Caanaha Geelu ay yihiin masdar ku hodon ah Vitamin G da ama waxa loo yaqaan Ascorbic Acid, sidaas darted waxaa lagu talinayaa in la siiyo Dumarka Uurka leh iyo kuwa Ilmaha nuujinaaya iyo Dadka duraysan iyo kuwa qaba Xanuunada Neefsiga ee kale, Wadanka France na waxay muujiyeen Baadhitaano lagu samayay Caanaha Geela in inta u dhexaysa 4 ilaa 5kgs oo ah Caanaha Geela iyo waxyaabaha laga samayaa, ay ku filan tahay inay siiso dhamaan baahida Dadka ee Calories ka iyo Dufanka iyo Proteins ka iyo Calcium ka. Waxana odhan karnaa iyada oo aan Qoraalo lagu soo koobi karayn faa’iidooyinka Caanaha Geela iyo Hilibkiisaba, waa khasnad uu Allaah tacaalaa inagu manaystay, laakiin se aynaan garanayn sidaan uga faa’iidaysan lahayn.

 

 

Ugu dambayntii anagoo saaka Geelii goor hore maalay, oo aanaan idinku marti qaadayn Caanihiisii, baa nasiib wanaag waxaad nala kulanteen, anaga oo saaka Neef yar oo Geel ah qalanay, markaa Gacanta soo geliya.

 

 

Shifo iyo Caafimaad Allaah ha idinka siiyo.

 

Wabillaahi atowfiiq

 

Essa Mohamoud

 

almutawaadic@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com