shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magacaabista xubnaha golaha xukuumada Puntland

(Garoowe, January 18,  2009 Ceegaag Online) 

Tan iyo wakhtigii la doortay madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, waxaa dadwaynaha reer Puntland ay ka sugayeen in ay soo dhisaan xubnaha golaha xukuumada ee Puntland,
 
Sidaas darteed, waxaa madaxwaynaha Puntland uu maanta ku dhawaaqay dowlad ka kooban lix iyo toban wasiir iyo halwasiir dowlo iyo labo iyo labaatay wasiirku xigeena ah, madaxwaynaha Ountland C/raxmaan Faroole wuxuu saxaafada saaka u sheegay in uu xubnaha xukuumada ee uu soo dhisay ku soo xulay qaab aqoon iyo karti leh, si ay u noqdaan kuwo hawl gal waxqabad leh samaynkara, kana saarikara Puntland xaalada adag ee ay maanta ku sugantahay,
 
Madaxwayne Faroole, wuxuu kale ee uu saxaafada ka sheegay in ay san qusaynin qaybsiga baarlamaanka ee beelaha Puntland, soo xulistoodana aanayn wax shaqo ah kulahayn,l oomana misbeenkaro dhismaha iyo waxqaybinta xubnaha golaha xukuumada ee aan soo magacaabay.
 
Hadaba, waxaa xusid mudan balanqaadyo ay horay ugu sheegeen saxaafada madaxwaynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisu, markii ay musharaxa u ahayeen madaxtinimada puntland, waxaana ka mid ahaa balanqaadkooda in waxka qaban doonaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada,iyo arimaha sool,dadwaynaha reer puntlandna waxaay ka dhowrayaan waxqabadkaas ay balanqaadeen in ay waxka qabtaan xaalada adag ee ay Puntland ku jirto.
 
 
F.Q. Dr: Haruun Xasan

webmaster@ceegaag.com