shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Macalinkii xulka Qaranka Kubadda kolayga Soomaaliyeed marxuum Cumar Mohamed Cumar oo ku geeryooday London.

(London, January 25,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa shalay galab, abaarihii xiliga salaada Casir, Salaadda Janaasada loogula tukaday laguna aasay qabuuraha Saffron Hill Cemetery ee magaalada Leicester, macalinkii xulka Qaranka Kubadda kolayga Soomaaliyeed marxuum Cumar Mohamed Cumar (Cumar Anyeelo) Allaha u naxariistee.

Janaasada Marxuumka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Culumaa'udiin, madax ka socotay Gudiga Olambikada Soomaaliyeed (G.O.S.), iyo weliba rug cadaa yaalkii Isboortiska Soomaaliyeed oo aan ka xusi karo sida C/qaadir Isoo mareey, Ahmed Shell iyo Cayaaryahanadii hore oo lahaa dhinac walba oo Isboortiska Soomaaliyeed ah oo aan halkan magacyadooda ku soo koobi Karin iyo weliba dadweyne aad u faro badan oo isugu jiray Ehellada iyo Asxaabta Marxuumka, Bahda Isboortiga Soomaaliyeed iyo dad weyne kale oo ciidaa ka fara badan oo ka kala yimid wadamo badan oo dalalka Yurub ka tirsan iyo North America, kuwaas oo buux dhaafiyay qabuuraha Saffron Hill.

 

Kadib markii la aasay, ayaa waxaa halkaasi wacyi gelin iyo Alle ka cabsi ka soo jeediyay mid ka mid ah culumaa'udiinta oo marna ahaa xigtada marxuumka oo lagu magacaabo Sheikh Cusmaan Xaaji yuusuf (Usuli) kaas oo runtii fariintii Alle ka cabsiga lahayd ee uu halkaas ka soo jeediyay ka ilmaysiisay dad faro badan. Waxaa la is faray in loo duceeyo marxuumka lana cafiyo iyo in Rabi naxariistii Janno looga baryo, Qoyskii, Ehelladii iyo Asxaabtii uu ka tegayna uu samir iyo Iimaan ka siiyo.

Markii laga soo dareersaday Qabuurihii ayaa waxaa si wada jir ah loo soo aaday (Hall-ka) ama Qolka soo dhawaynta oo uu lahaa Masaajidka Quba, ee ku yiil magaalada Leicester, xaafada Soomaalida ku badan tahay oo madashu tiilay. Halkaas oo loogu talagalay in marti sharaftii dibada magaalada Leicester, ka timid in lagu sooro laguna siiyo warbixintii marxalada reerka uu walaalkeen Cumar Anyeelo ka tagay.

Waxaa runtii ahayd wax lagu farxo, ku dayashana mudan sida walaaltinimada iyo isjaceelka ka muuqato ay muujiyeen Reer Leicester, kuwaas oo ku wargeliyay marti sharaftii in ay ayagu yihiin kuwa gogosha marti soorka gacanta ku hayo, kana qaaday culayska reerka laga dhintay, taas oo ay sheegeen in ay tahay xeer u qaas ah oo u yaal reer Leicester.

Waxaa sidoo kale ayagana halkaas gacantooda ka gaystay Reer London oo aan kala maqnayn oo u gudbiyay maamulkii ay u xilsaareen reer Leicester xisaabta qabanqaabada tacsida, taageeradii ay soo aruuriyeen oo aan runtii filayo in ay kaalmo u noqon doonto Reerka marxuunka.

Bahda Ceegaag Online waxeey si gaar ah, uga codsanaysaa mar kale in marxuunka asxaabtiisii oo ayna u suurto gelin in ay duugta ka soo qayb galaan in ay iska cafiyaan, isagana Alla waxaan uga baryaynaa in uu Alle qabrigiisa u qaboojiyo, xisaabta aaqirana u dhib yareeyo, ehelkii iyo asxaabti uu ka tagayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.


F.Q. Mohamed Sheikh Abdi (weli)

London, UK

webmaster@ceegaag.com