shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jabuuti oo markale marti galinasa doorashada madaxwayne cusub oo ay Soomaaliya yeelato.

(DJabuuti, January 22,  2009 Ceegaag Online) 

Magaalada xeebta ah ee Jabuuti ayaa la ciirciirasa xildhibaanada dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ka dib markii ay suuro gali wayday in Baarlamaanka Soomaaliya ku kulmaan Baydhabo si ay u doortaan madaxwayne Cusub.

Waxaa sidoo kale la hadal hayaa maanta galinka dambe in ey halkaasi gaaraan sii hayaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna gudoomiyaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo sii hayaha ra`iisal wasaaraha Nuur Cadde oo labaduba ka qeyb-galay shir wadamada carabta uga furmay dhawaan dalka Kuwait.

Gudoomiye xigeenka barlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre oo ayaa sheegay in amar uga yimid gudoomiyaha barlamaanka ey ku baxayaan inta badan xildhibaanada barlamaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Arintan ayaa waxa ey meesha ka saareysaa is-afgaranwaagii ku aadanaa halka uu ka dhici doono doorashada m/weyne ama dowlad midnimo qaran, waxaana xildhibaanadii ku sugnaa Baydhabo cadaadis kaga yimid xaga beesha caalamka ey ku tageen Jabuuti.
 


 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com