shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaalliyada Beesha Daarood ee Gobolka Alberta ee Dalka Canada oo si buuxda utaageertay Dr. Cali Khaliif Galaydh.

(Edmonton, Alberta. Canada  January 29,  2009 Ceegaag Online) 

 

Jaalliyada Beesha Daarood ee ku dhaqan Gobolka Alberta ee Dalka Canada ayaa Caawa oo ay Bishu tahay Jan 28, 2009 isugu yimid shir wadatashi Guud ah oo ku saabsan marxaladan Cusub ee Dalka Somaliya gashay. Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen salaadiin, cuqaal, aqoonyahanno, odayaal iyo waxgarad ayaa lagu lafaguray masiirka beesha Daarood iyo doorka ay ka qaadan karaan nabadku soo dabbaalista dalka Soomaaliya oo hadda ku jira marxalad kala guur ah.

 

Waxaa kale oo beeshu si qotodheer uga hadleen waxyaabaha ka soo cusboonaaday shirka Qaramada Midoobay horseedka ka tahay ee gogoshiisa la dhigay dalka Jabuuti laguna wado in lagu dhiso dawlad mugwayn ah oo ay ku wadajiraan Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib uxoraynta Soomaaliya.

 

Shirkaas oo ahaa mid ku furmay kuna dhammaaday jawi farxadeed iyo isusoo dhawaansho beesha Daarood oo tan iyo intii dagaalka sokeeye ka dhacay dalka Soomaaliya aan lahayn muqaalifo iyo itijaah siyaasadeed oo ay ku midaysanyihiin sida beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Gabagabadii shirka ayaa beeshu isku raacday qodobaddan soo socda:

 

1)     Beesha Daarood ee ku dhaqan Gobolka Alberta ee Dalka Canada waxay si buuxda u taageereen musharraxa madaxwaynaha Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh iyagoo isku si u arkay in uu yahay shaqsiga kaliya ee maanta ka saari kara dalka Soomaaliya dhibaatada dawlad la’aaneed ee dalka ku habsatay

 

2)     Beeshu waxay   isku raacday in si taxaddar leh isha loogu hayo shirka ka socda dalka Jabuuti xidhiidh joogto ahna lala sameeyo masuuliyiinta beesha ee ku sugan madasha shirku ka socdo ee Jabuuti.

 

3)     Waxaa beeshu isku raacday in la joogteeyo kulamada wadatashiga ah laguna dhiirrifgaliyo jahliyadda dibadda iyo gudahaba in ay yeeshaan xidhiidh iyo wadashaqayn joogto ah.

 

4)     Waxaa beeshu isku raacday in la raadiyo sidii ummadda Soomaaliyeed marlabaad laysugu keenilahaa loona midaynlahaa.

 

5)     Ugu danbayn waxaa beesha Daarood ee gobolka Alberta ee Dalka Canada samaysatay guddi Daarood oo joogto ah kuwaas oo loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo masiirka beeshu ku leedahay mandaqadda geeska Afrika.

 

Shirkaas oo gogoshiisa ay dhigtay beesha Dhulbahante ee Edmonton, Waxaa  ka qaybgalay xubnahan hoos ku qoran:

 

  1. Suldaan Subeer Xaaji Maxamuud
  2. Caaqil Cumar Cali Koore
  3. Jamaal Xaaji Cali Cilmi
  4. C/qafaar  Cali Wadaad
  5. Mohamed Ahmed
  6. Mohamed Abdi (Mahdi)
  7. Abdi Mohamed Warsame
  8. Aaden Xareed Guray
  9. A/rashiid Mohamed Faarah
  10. Mohamud Daahir
  11. Warsame Aadan Sheekh Doon
  12. Abdicaziz Mohamed Liibaan
  13. C/llaahi Xasan Dhooble
  14. Mohamud Shire
  15. C/kariin Xirsi
  16. Mohamed Kooshin
  17. Ahmed  Cabdi Muuse Abyan
  18. Mohamed Mohamud Diriye
  19. C/llaahi Cabdi Ducaale
  20. Cawil Ahmed Xirsi
  21. Yaasiin Shire Falax
  22.  Cismaan C/llaahi Gaabay
  23. C/qaadir Cigaal Warsame
  24. C/qaadir Cabdi Xaashi
  25. Cawil Faarax Diiriye Dhawre
  26. C/rashiid Cabdi Aadan
  27. Xaashi Aw Maxamuud
  28. Cabdiqaadir Sheekh Xuseen
  29. Cawil  AdanTarabi
  30. Cali Maxamud Cali
  31. Faysal Cali
  32. C/llaahi cabdi Ducaale
  33. Jaamac Faarax Nuur
  34. Bashiir Faarax Cumar
  35. Jaamac Farasle
  36. Cali Mohamud Mohamed Shire
  37. Maxamed Aadan Shire (Maash)
  38. C/raxmaan Qoordheere

Liibaan Fiin

Edmonton, Canada


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com