shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isimada Dhulbahante oo caadeestay baaq aan cudud lahayn

(Garoowe, January, 12  2009 Ceegaag Online) 

 

Hogaamiyaasha Xaga dhaqanka ee reer Puntland oo ka garab hadlaya dawladooda Puntland oo haatan u muuqata mid doonasa inay soo celiso gobolada SSC oo si awoodi ku dheehan tahay ay ula wareegeen kal-hore Maamulka Somaliland.

 

Warqad furan oo ay saxaafada ugu talo galeen ayay ismida Puntland ku xusuusiyeen Maamulka Somaliland inaan dhulkooda iyo dalkooda aysan ahayn dhaxal Ingiriisku bixin karo ayna ka tirsan yihiin Puntland.

 

Hanjabaadan ayaa ku soo beegantay wakhti ay saxaafada isku waydaar sanayaan hadalo kulkulul Dawlada Cusub ee reer Puntland iyo tan sii dhacasa ee reer Somaliland.

 

Dhulka SSC ayaa haatan u muuqda mid ku sifoobay Dhulka Qabaa'ilka laysku yidhaahdo Kaasmiiriyiinta. iyada oo ay aad u kala fogaadeen dadka sida daacada ah u daneenaya in lagu furdaamiyo ismariwaagan iyo kuwa had iyo goor xasarada iyo cayda aan loo meel dayin kula dul meera ismariwaagan ee dhamaantood asal ahaan ka soo jeeda SSC.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com