shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Isku diiwaangalinta Doorashooyinka Somaliland oo si xawli ah uga Socota wali Ceegaag

(Ceegaag, January, 06  2009 Ceegaag Online) 

Amaanka magaalada Ceegaag ayaa aad loo adkeeyay iyada oo Is diiwaangalinta Doorashooyinka Somaliland ay aad uga socoto wali magaalada Ceegaag. mar aanu xaga qadka taleefoonka kula xidhiidhnay Gudoomiyaha degmada Cabdi Xaaji Cali (Cabdiriigle) ayuu noo sheegay in si aan kala go'lahayn looga wado Diiwaan galinta Ceegaag.

Gudoomiyaha ayaa noo sheegay in dadku iska diiwaan galinayaan laba xaafadood ee Magaaladu ka koobantahay, Gudoomiyuhu waxa kale oo uu noo sheegay in dad aad u tiro badan ay ka imanayaan magaalooyinka  Marqaan-wayne, Widhwidh, Horufadhi, iyo Buuhoodle oo iyada laga diiday isdiiwaan galinta.

Magaalada Yayle ayaa maanta iyada si degdeg ah oo aan lagarananayn sababta kooxaha diiwaan galintu uga carareen iyaga oo waliba ka tagay dadkii shaqaalaha ahaa ee diiwaan galinta lookeenay Yayle. mar aan xidhiidh kula samaynay Xaga qadka Talefoonka Yayle ayaa ay noo sheegeen ina aysan garanayn sababta iyo waxa ay qoon sadeen.

Magaalada Buuhoodle ayaa degan inkasta oo uu soo gaadhay Kornayl C/casiis Garam-Garam oo aad uga soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Somaliland gobolada reer SSC. wararka ayaa sheegaya in kornaylka iyo reer Buuhoodleba ay isla dhexmarayaan Booloxoofto ah halkaasaan weeraranaa (!!!???) madoonano inaan sheegno meesha, iyaga oo og maankana ku haya inaan ninna dhulkiisa maanta loogu hanjabi karin dadkuna ay sida ay doonaan yeelayaan.

Wararka ka imanaya Widhwidh ayaa iyana sheegaya in magaaladu degan tahay isdiiwaan galintuna si habsami ah socoto.

Maamulka Somaliland ayaa iminka u muuqda mid doonaya inuu isku balaadhiyo Gobolada Bariga oo ka maqnaa ilaa intii la'aasaasay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com