shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Doorashada Puntland oo laa diiday Saxaafada Talow Maxay qarinayaan!!!

(Garoowe, January, 08  2009 Ceegaag Online) 


Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Markhaatiyaashii, ama dhagihii iyo indhihii shacabka Puntland loo diiday aqalka Taladooda iyo ayaahooda lagu go'aaminaya maanta.

Taliyaha Amniga Doorashada Caydaruus Xaaji Xirsi,  ayaa shaaca ka qaaday in aanay  saxaafadu  ka soo qaybgali karin doorashada Maanta.

Taliyaha ayaa uun codsaday in la ogolyahay dhawr suxufi inay kasoo qaybgalaan isga oo aan carabaabin cida ay yihiin. tasoo saxaafadii isku raacday inaan la yeelin.

Warar doorashada Puntland kala soco Ceegaag onlane

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com