shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Diwaan Galiyayaashii Doorashooyinka Somaliland ee loo diray Buuhoodle oo sidii loo baacsanayay lagagasoo Hadhay Shangale.

(Buhoodle, January, 04  2009 Ceegaag Online) 

Wararka naga soo gaadhaya Xarunta Buuhoodle ayaa xaqiijinaya in ay saaka xiisan ba'an ka dhalatay markii laysku dayay in laga bilaabo Diiwaangalinta Doorashooyinka Somaliland.

Israsaaseen kadib ayaa waxaa ku dhaawacmay nin u dhashay beesha (Cigaal Naaleeye "Dooli") Sixid waxaa xabada ku dhaawacmay waxa uu ahaa nin reer Buuhoodle ah oo asal ahaan ka soo jeeda Baydhabo,ma ahayn "Dooli" ninkan oo dul saarnaa guri uu jiigada saarayay ayaa dhaawiciisu culus yahay.

Dadwaynaha reer Buuhoodle ayaa iyaga oo gadoodsan waxay weeraro dhinac walba ah ku qaadeen Shaqaalihii iyo Ciidankii Buuhoodle loogeeyay inay dadka u diiwaan galiyaan reer Somaliland ahaan.

Iyadoo sida laxaqiijiyay labaacsaday ilaa ay u dhaafeen baliga Shangale dhinaca banka Car-idhaaf.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com