shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyihii HERDO C/fataax Aadan Isxaaq xabsiga loo taxaabay doraato oo maanta la'soo daayay

(Berbera, January 19,  2009 Ceegaag Online) 

Gudoomiyaha Haayada wadaniga ah ee Hawd Education Rural Development Organization (HERDO) ayaa maanta  mar uu qadka taleefoonka nagulasoo xidhiidhay  noo sheegay in xabsiga loo taxaabay maalintii Sabtida bishu ahayd Jan 17, 2009. isgoo markaa ku sugnaa Magalada dekada leh ee Berbera.

Gudoomiyaha ayaa noo sheegay inuu aad ula yaabayahay sababta  xoriyadiisa looga qaaday isagoo sheegay in loo sheegay in lagu siidaayay maanta kadib markii uu ku jiray xabsiga Berbera mudo sadexcisho ah , amar ka yimid wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Somaliland.

Haayada HERDO ayaa ah haayad wadani ah oo ka hawlgasha Gobolada SSC, fadhigeeduna yahay magaalada Ceegaag.

Mar aanu la xidhiidhnay masuuliyiin ka tirsan Maamulka reer Berbera ayay noo sheegeen in lagu xidhay Gudoomiyaha iyo nin ilaale u ahaa inay wateen lacad Dirham ah  iyo iyagoo watay gaadhi nooca loo yaqaano Sarufta, waliba dhawrgoor magaalada dhexmarmaray, Waxaa kale oo uu noo sheegay nin kamid ah ciidanka CID Berbera oo naga codsaday inaan magiciisa la faafin inuusan C/fataax Aadan Isxaaq u dhalan Berbera sidaa awgeed laga shakiyay.

Xadhiga Gudoomiyaha ayaa u eeg mid lagu xidhay tuhun iyo shaki laga shakiyay uun.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com