shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamadii itoobiyaanka ahaa ee ku sii hadhay Soomaaliya oo laga caydhsaday Gobolka Bay.

(Baydhabo, January 26,  2009 Ceegaag Online) 

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday inay gabi ahaanba isga baxeen Ciidamadii reer Ethiopia ee ku sugnaa Gobolka Bay siiba magaalada Baydhabo.

Iyagoo ku wareejiyay amaanka magaalada Baydhabo kooxaha Al-shabaab oo iyagu dagaal hubaysan kala hor jeeday huwantii ku guul daraysatay inay soo celiyaan hanaankii dawlad nimo ee Soomaaliya.

Waxaa haatan baydhabo wali gacanta kuhaya ciidamada amniga ee dawlada, balse Halbawlayaashii magaalada waxaa si toos ah ula wareegay ciidamada dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Cararkan ay ciidamada Itoobiya ka baqo carareen gobolka Bay ayaa soo gabo gabeeyay marmarsiiyihii qolooyinbadan ku sii hurunayeen colaada wadankeenii Soomaaliya.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com