shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baaq Nabadeed oo ku wajahan dhamaan Ummada Soomaaliyeed

(Soomaaliya, January 18,  2009 Ceegaag Online) 

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh kelidii, amaan iyo nabad gelyo ha ahaato korkiisa Nebigeena Maxamed iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii

Intaas ka dib:

 

 

Inagoo ku jira munaasibada bixitaanka ay Ciidamadii cadowgu kaga baxeen ciideena kolay inta la hubo magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ayay taasu Bulshada Soomaaliyeed iyaga oo soo wada dhowayay oo ku wada farxay waayo waa Himiladii la hiigsanaayay ee dhiiga faraha badan loo daadiyay awgeed, hase yeeshee waxaad moodaa in lagu kala qaybsan yahay aragtida mustaqbalka iyo waxa ka dambayn doona bixitaanka Ciidamada cadowga

 

 

Ethiopia markay Wadankeena soo gashay waxaa isku hayay oo keli ah laba Kooxood, maantana waxay baxaysaa iyada oo labadii Kooxood mid walba gudeheeda u kala qaybisay dhowr Kooxood iyo kuwa kale oo cusub oo farsamadeeda ah oo ay u soo gelisay Shaad Diimeed, welina Wadanka waxay Ciidamadeedii ku sugan yihiin qaybo, waxaa taa sii dheer iyadoo Wadanka ugu jirta Siyaasad ahaan si ka sii xoog badan sidii hore ee ay ugu jirtay, marka waxaan leeyahay waxay u egtahay in aynu ku noqonay halkii aynu joognay sagaashameeyadii, Allaah kama dhigo ee laakiin waa sida ay Qofka ugu muuqan karto, waayo intaas oo Kooxood waxaa xaqiiqo ah in ay iska soo horjeedaan, qaarkoodna ayba Xabadu ka dhex qaraxday, qolo walibana ay doonayso in teedu socoto oo ay iyaga oo keli ah Wadankan xukumaan! Aanayna ka muuqan Kooxna wax qaderin ah oo ay tan kale u hayso

 

 

Waxa taas soo raaca iyada oo ay Dowladaha deriska ah iyo Wadamada Reer Galbeedka iyo Ururada Caalamiga ahba ay kala taageerayaan Kooxahaas, kuwaas oo ah kuwa had iyo jeer hagar daamo ku ah xasiloonida iyo is afgarad dhex mara Dadkeena, Wadamada deriska ahi dhamaan waxa xaqiiqa noqotay in ay ku yihiin cadow Wadankeena, marka lagu daro Jabuuti oo ah wax laga xumaado waayo iyagu waa Dad Soomaaliyeed oo ay ahayd in ay noqodaan kuwii gacan qaban lahaa Walaalahood oo ka wayn markay dhibtu ku habsatay, oo ah kuwii iyagu gacanta wayn ka gaystay in ay Xoriyadooda hantaan oo Dowlad madax banaana noqdaan, laakiin waxaa ah wax laga xumaado in Jabuuti ay ka qayb qaadato hagardaamada lagu hayo Ummada Soomaaliyeed

 

 

Waxaa iyana gadaal dhibta oo dhan ka wada oo Dowladahaa iyo Ururadaa aan soo xusnay uga wakiil ah burburinta wanaag kasta oo loogu talaabsado xal u helista dhibaatooyinkeena Ururada lagu magcaabo “Ururada Samafalka”, Urura samafal maaha ee waa Samadiidayaal ee, Ururadanu waa Gumaysi qarsoon oo la wareegay taladii Wadanka wixii burburkii iyo dagaalkii sokeeye ka dambeeyay

 

 

Hadaba iyada oo ay arimihii oo dhami sidaas isugu qasan yihiin, ayna muuqato khatar wayn oo inagu soo fool leh, oo aan la mahadin doonin Cidhibteeda hadaan hada wax laga qaban, ayaan waxaan u soo jeedinayaa Kooxahaas Soomaaliyeed ee ay arintani Khusayso in ay Allaah ka cabsadaan oo ay u naxariistaan Ummada iyo Wadanka oo Caqliga ka shaqaysiiyaan oo aanay ku dhicin Dabinka cadawgu u dhigay, waxaan ku baaqayaa in lagu talaabsado oo la hirgeliyo Qodobadan soo socda:

 

 

1- waa in gebi ahaanba Xabada la joojiyaa oo qola waliba dhinaceeda ka hirgelisaa oo laga feejignaado in dagaal layskala horyimaado, waana in loo suurageliyaa in Dadkii Guryohooda ka barkacay ee xaaladaha xun iyo dayaca ku sugani ay ugu soo noqdaan Guryahooda si nabad ah

 

 

2- waa in aan dagaal lagu qaadin Ciidamad AMISOM ee Muqdisho ku sugan, Ciidamadaasu waxay ka yimaadeen Wadamo aan wax cadaawad ahi inaga dhexayn, bal uu inaga dhexayo Cilaaqaad wanaagsan oo soo jireen ah, waxayna inoogu yimaadeen in ay wax inla qabtaan oo amniga inala sugaan, Waqtigii loo baahdo oo aynu ka maarno way iska baxayaan oo Wadamadoodii bay ku noqonayaan, intaa ka horaysana wax badan bay inla qabanayaan, Heshiisyada aan gaadhno bay inala hirgelinayaan, ciidamada ayay inoo tababarayaan iwm, markaa waa in aan la weerarin Ciidamadaa iyo hadii ay kuwa kale ku soo kordhaanba, wax dhib ah inaguma hayaan bal wax badan bay inoo faa’iidayn karayaan, waana in ay ogaadaan Kooxaha hada ku goodiyaaya la dagaalankooda ama bilaabayba sidii dhacday shalay, waa in ay ogaadaan in aanay dagaalkaa kaga helayn Hiil iyo Garab toona shacabka Soomaaliyeed oo aanay ku kasban doonin Caadifadooda sidii dhacday markay la dirirayeen Xabashida

 

 

3- waa in la joojiyaa oo meesha laga saaraa Heshiis ku sheega Jabuuti lagu gaadhay ee muranka xooga leh dhaliyay, anigu Heshiis kuma sheegi karo bal waa Shirqool iyo Dabin loo dhigay Ummada Soomaaliyeed oo Cadow ka shaqayay, Heeshiiskaasu maaha mid ay wax maslaxad ahi ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed, bal waa mid fidnad iyo kala qaybsanaan u horseeday Wadanka oo dhan, waa mid aan dhinacna laga qaadan Karin, waa mid ay soo maleegeen Cadaw iyo Shakhsiyaad Soomaaliyeed oo u ooman inay wuxuun xukumaan

 

 

mana dhacayso in wanaag iyo Heshiis la gaadhaa inta Dadka wadaa ay Heshiiskaa aan loo dhamayn ay ku dhegan yihiin, Heshiiskaasu waa mid aan lagu tixgelin Dhibta maanta Wadanka ka taagan, waa mid aan looga fekerin xag dhaqaale iyo xag awood qaybsi toona, waan maqlaayay in shalay ay ogolaadeen ka dib Wada hadalo mudo dheer qaatay iyo dhalacayno loo soo jeediyay,  in loo qaybsado tiradii Xunaha ay doonayaan in ay Baarlamaanka ku darsadaan nidaamkii 4.5, laakiin waxaan leeyahay taasu waxba soo kordhin mayso, oo wax badan kama bedelayso arinta

 

 

 waayo sidee bay Caqli gal u tahay in tirada intaa le’eg oo ah Baarlamaanka badhkiis oo isku fikirka ah ay ka mid noqdaan Baarlamaanka?!!! Macnuhu waxaa weeye in Rabitaankooda oo keli ahi uu ka socon karo Baarlamaanka dhexdiisa waayo dee ma jiro wax isu dheeli tirayaa, iyadoo aynu ka war hayno in Baarlamaanka hada ay ku jiraan Kooxo fikirka iskaga soo horjeeda, laakiin tirooyinkooda laysu dheeli tiray, marka waxay ahayd marka la afsoomaaliyayo Heshiiskaasu in la yidhaahdo ha la kala diro Baarlamaankii hore oo kaayagan ha lagu bedelo, maxaaba Boodhka laysugu qarinayaa!!! Xag dhaqaale lagama eegin oo laysma waydiin Wadankan burbursan iyo shacabkan dayacan oo la doonaayo in wax walba eber laga soo bilaabo, ma qaadi karaa tirada Baarlamaan ee intaa le’eg, mushahar siintooda iyo meeshii ay fadhiisan lahaayeen iyo dejintooda iwm, Soomaaliya sidaan u arko ma qaadi karto Baarlamaan ay tiradiisu ka badan tahay 100 Xubnood ilaa 150 Xubnood iyo Gola wasaaradeed oo tiradiisu ka badan tahay 5 Wasiir ilaa iyo 10 Wasiir ee Caqligu ha shaqayo Soomaaliyay oo danta guud wax kasta ha laga hor mariyo

 

 

4- markay Arimahaa hore dhaqan galaan, waa in la isugu yimaadaa oo la qabtaa Shirwayne Soomaaliyeed oo dib u heshiineed, Wadankana Aayihiisa lagaga tashanaayo oo Wadanka gudihiis ka dhaca ee aan lagu qaban Wadamada deriska ah sidii hore u dhici jirtay, oo ay ka soo qayb galaan dhamaan Kooxaha iska soo horjeeda iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan, iyada oo aan Kooxna laga takoorayn, qolo walibana la timaado Agenda heeda Siyaasadeed, laguna soo tala galaa in la isu tanaasulo marka loo baahdo, wixii ka soo baxa Shirwaynahaa Qarana loo wada hogaansamo

 

 

5- waa in Maamulada ka jira Puntland iyo Somaliland iyo Shacabka labadaa Maamul ku nooliba ay ka qayb qaataan Shirwaynaha Qaran oo ay door muuqda ka qaataan, Gogosha nabadana fidiyaan hadii loo baahdo walo aan anigu mudnaanta siinaayo in Muqdisho lagu qabto

 

 

waxan kaloo xusayaa in hada uu ka jiro khilaaf ka taagan DFKM dhexdood meesha Madax waynaha lagu dooranayo iyo laba dooranmaayo iyo Heshiiskii Jabuuti waa la ansixiyay iyo lama ansixin oo sharci ma ahayn iyo wax yaaba kale oo badan, markaa waxaan leeyahay waxba kuma jabna in ay iyagu horta Gurigooda soo hagaajiyaan oo Sharciga iyo Distoorka u yaala ay tix geliyaan oo ku dhaqmaan, waa se in ay diyaar u ahaadaan oo gacan ka gaystaan Shirwaynahaa Qaran, waxa ka soo baxana in ay u hugaansamaan, tusaale ahaan hadii iyaga wax lagu kordhiyo ama laga dhimo ama laba kala diro oo Dowlad cusub lagu dhiso Shirkaas, waa inay u hugaansamaan

 

 

Ugu dambayntii waxaan ku soo geba gebaynayaa Qoraalkayga oo aan leeyahay hadal aan Qoraal hore ku idhi oo ahaa haday soomaali qaadan lahayd Xikmadii Boqor Wiilwaal ee ahayd: “Ina Rag wax kasta ku samayay oo Walaalow wuxuu ku dhaamo waayay” waxa hubaal ah in wax badan Xal loo heli lahaa, war Walaalow aan is dayno, war Walaalow aan heshiino, war Walaal aan isu soo joogsano, war Walaalow aan is qaderino, war Walaalow aan isu dulqaadano, war Walaalow aan Xukumka ku heshiin, war Walaalow aan Cadawga meel uga soo wada jeesano, war Walaalow aan Dulinimada iska kor qaadno, war Walaalow aan Wadankeena wada dhisano, war Walaalow aan Shacabkeena u adeegno, war Walaalow aan Dalkeena horumarino, war Walaalow, war Walaalow, war Walaalow ….

 

 

Wabillaah atowfiiq

 

Essa Mohamoud

Almutawaadic@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com