shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saxafadaha Kala Gadisan oo u Aqoonsatay Wariyeha Sanadka Hassan Yeey 2008.

(Koonfur Afrika, January, 01 2009 Ceegaag Online) 

Saxaafadi waa sheyga kaliya ee aduunka oo dhan isku xidha, waana waxa soo saara waxa qarsoon, ha u badnaadaan Arimaha Bulshada ee ugu Horeyso Siyaasadu, waana sheyga kaliya ee lagu soo Gudbiyo Dhacdooyinka Aduunka, hadaba Saxaafadu waxay u taaba gashaa sida wakhti loo galiyo ama Suxufigu ugu Takhasuso Aqoontiisa Suxufinimo.

Sanadadan waxaa aad kusoo kordhay Alaalada Casriga ah ee lugusoo gudbiyo Wararka ee looyaqaano Internetka taasi oo nooqotay in aduunka oo dhan si degdeg ah loogusoo bandhigo wax alle wixii dhacay wakhtigaasi.

Sanadkii indha dhaafay 2008 ayaa waxaa jiray dhalinyaro badan oo Saxaafada kusoo biiray oo aad u Firfircoon aqoonna u leh Saxaafada iyo Xeeraarkeeda Caalmagi ah, hadaba sanad walba waxaa loo caleemo saaraa Qofkii Mutaysta ama kasoo baxa Shurudaha uyaala Saxaafadda kaaso loo doorto Wariyaha Sanadka.

Hassan C/Laahi Cabdi “Hassan Yeey” oo ah Wariye madax banaan oo waraka Soomaalida Toosh wayn ku ifiyay nolasha adag ee ay kala kulmeen  dalka South Africa ayaa Waxaa loo aqoonsaday oo Mutaystay Abaal marintii Wariyenimo taasoo uu ku mutaystay Kartidiisa gaarka ah, Dadaalka Qof-ahaaneed, Aqoonta saxafinimo, ilaalinta Xeerarka, Hufnaanta Afsomaliga iyo ka dhowrida leex sanaanta qalinka.

Waxaa Abaalmarintaa ugartay Saxaafadaha kala gadisan ee Hoos ku qoran waxayna leeyihiin Wariye Hassan Yeey Hambalyo.


Ceegaag Online
Hadhwanaag, Jamhuuriya
Geeska Africa
Saxansaxo
Qarannnews
Radiohormuud.
DJiboutination
Radio Golis
Somalilandpress
Somalilandinfo.
somalilandedu.
Waryatv.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com