shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Xagay marasaa   isdiiwaan galintii Doorashooyinka Somaliland ee reer SSC

(Ceegaag, January, 05  2009 Ceegaag Online) 

Xaalada SSC ayaa ah haatan meel lagu kala danaystay, waxaa soo if baxaya wax yaabo badan oo qarsoonaa Gobalka sool ayaa intiisa badan isdiiwaangalintu ka socotaa iyada oo ay jiraan meelo badan oo laga diiday aadna muhim ugu ah taabogalida qorshaha Diiwaan galinta ee Gobolka Sool.

Dhinaca magaalada Ceegaag ayaa iyadu Go'aan mideesan ku gaadhay inay si toos ah u la sheqeeyaan maamulka Somaliland.

Magaalada Yayle ayaa maanti si toos ah ay uga bilaabantay Isdiiwaan galintu, Halka ay magaalooyinka  Widhwidh iyo Qorfo-buro ay si toos ah uga Socoto, Horufadhi ayaysan ka dhicin wax Diiwaan galin ahi Gabi ahaan.

Magaalada Buuhoodle  ayaa iyadu degan maanta ka dib fadeexadii shalayto ka dhacday iyada oo ay ku sugan yihiin dhamaan masuuliyiinta dhinac walba ee bulshadu ay sababtay Gabdhaha Soomaaliyeed oo aan iyagu Qabiilka ka madax banaan in la faro saaro.

Dhinaca Maamulka Puntland ayaa iyagu ka aamusan kuna mashquulsan doorashadooda aan wali ka waynaan Qabyaalada. iyaga oo isla dhexmaraya marka doorashadu dhamaato inay dib ula wareegi doonaan gacan ku haynta Gobolada SSC.

Ugu danbayntii lama saadaalin karo faa'iidada ama faaiido darada laga helidoono Isdiiwaan galintan iyada oo Goboladan aysan u dhamayn, taasoo siyaasad ahaan wiiqasa siyaasiyiinta Goboladan ee haatan u Xusulada duuban Maamulka Somaliland.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com