shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

U gogol-xaarka doorashada musharixiinta Puntland

(Garoowe, January, 04  2009 Ceegaag Online) 

Marka hore, reer Puntland waxay sheegayaan in beryahanba uu hoos u dhac kuyimid xukuumadda Puntland, hanoqoto dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada IMM, waxay kale oo reer puntland leeyihiin il yar oo uu araggeedu hooseeyo ayaa kasii budhiiqeysa maamulka Puntland, qaarkalena waxay leeyihiin goboladii Puntland qeybo kamid ah waa ka indho beelay maamulka dowlad goboleedka Puntland.

Sidaas darteed, xukuumaddan Puntland oo uu waqtigeedii gabaabsi yahay, ayaa waxaa baryahan danbe ka aloosan magaalada Garoowe ugogol-xaar doorasho, waxaana isugu yimid dad reer puntland oo aad utiro badan, oo kakala yimid dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba, kuwaas oo doonaya in ay maamulka puntland ee uu kuyimid aragga isha yari kasii bidhiiqeyso iyo qeybaha uu indho beelku ku dhacayba ay maanta oogta ushidaan reer puntland.

Dadka reer Puntland ee doonaya inay maalmahan soo socda oogta ushidaan maamulka waxay kala yihiin, Isimo, Aqoonyahano, Waxgarad iyo madaxweynihii Soomaliyeed ee iska casilay xilka Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo hadda noqday odey soomaliyeed, dhammaan dadkaasi waxay diyaarinayaan inay ugogol-xaaraan doorasha Puntland laakiin waxaa jira in dadweynuhu ay walaac ka muujinayaan codbixinta golaha wakiilada ee doorashada xubnaha hogaaminta xukuumada Puntland.

Xagga musharixiinta, waxaa lasheegayaa in ay ka jirto ismaan dhaaf iyo tartan madaxtinimo doon ah, tirada musharixiintuna waxay noqotay mawjado ismuquuninaya oo aan wali kala miir dilaacin, waxayna u muuqdaan qabiil/qabiil, laakiin markey saxaafadda lahadlayaan waxaa loo arkayaa madaxdoon sare waayo mid kastaaba wuxuu muujinayaa indho furihii dalka iyo dadka reer Puntland.

Musharixiinta qaarkood waxay ku hadlayaan arrimo qosol leh, sida laamiga ayaan jay urogayaa, berriga ayaan bad ka dhigayaa, beeraha ayaan badda ka sameeynayaa, dhagxaanta ayaan qudaar ka dhigayaa, muranka ayaan meel u furayaa, Ceegaag ayaan ceel uqodayaa, IWM.

Arrimahan qosolka leh ee ay musharixiintu mataleyso waxay dadweynaha reer puntland ku macneynayaan madaxtinimo jaceylka musharixiinta ee tiradoodu ay mawjadda gaartey, waxaa kale oo ay dadweynuhu midiidin u arkaan musharixiinta qaarkood, kuwaas oo kasoo jeeda ama ka yimid gobolada uu ka indho beelay maamulka Puntland waayo waxay yiraahdeen * maxay Garoowe uga murmayaan iyaga oo masaakiin ah oo magaalooyinkii la haysto?*.

Sikastaba ha noqotee, xaalada musharixiinta ee maanta kusugan garoowe, makala miir dilaacin, waxayna wali arrintoodu u muuqataa *jug-jug ama xam-xam xaafaddaada joog.*

Faallo Qore: Dr.  Harun Hassan,

                       Garoowe.

webmaster@ceegaag.com