shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafdi uu horkacayo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa markii ugu horaysay soo cago dhigtay G/Sool

(Laascaanood, January, 01 2009 Ceegaag Online) 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta SSC ayaa sheegaya in ay xawli ku socoto abaabulada ay ka wadaan maamulka Somaliland oo doonaya inay ka sameeyaan Diiwaan galin xaga shacabka ah.

Iyadoo ay aad u daneenayaan siyaasiyiinta maamulka Hargaysa inay awoodooda ku fidiyaan SSC ayaa waxaa hada ku soo fool leh magaalada laascaanood Wafti uu hogaaminyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo masuuliyeen ka mid ah Xisbiga Kulmiya ayaa beri socdaal booqosho ku soo maraaya deegaamada gobolka Sool.

Axmed Siilaanyo iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhaa sidii ay u soo kormeeri lahaayeen hawsha diiwaan-gelinta ee lagu wado inay ka bilaabanto mudo dhow degaamada Gobolka Sool.

Waxaa hore ugu sugnaa Laascanood Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Somaliland Baashe Maxamed Cadde  oo ka tirsan xusbiga Kulmiye.

Xisbigyada Kulmiye, Udub iyo Ucid ayaa abaabal ka wada Gobalka Sool, horana  xafiisyo ka furtay kana wada diwaan galinta dhamaan degaanka Sool waana markii ugu horeesay ee ay arkaan shicibka Sool Diwangalin xaga doorashada  marka laga reebo xiligii dawladihii shacabka ahaa  ee lixdameeyadii.

Sanadka 2009 aya waxaa si toos ah loo dooran doonaa Mudanayaasha Baarlamaanka iyo Madaxwaynaha  Maamulka Soomaliland.

Iyada oo aynu ka war hayno halka ay martay tii maamulka Puntland oo Baarlamaankoodii ay soo xuleen odayaasha marada waawayn ee loo yaqaano Kaabo Qabiilada. waxna aan laga waydiinin shacabka  ku bohoobay dalada maamulka Puntland.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com