shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sidii ay u dhacday doorashadii reer Puntland

(Garoowe, January, 08  2009 Ceegaag Online) 

                                                                                      

Waxaa maanta kulan doorasho ah isugu yimid xarunta golaha wakiilada Puntland, dhamaan musharixiinta utartamayay  madax nimada xukuumada Puntland, dhamaan wakiilada Puntland, qayb kamid ah isimada, wax garad kale iyo oday C/laahi Yuusuf Axmed,
 
Hadaba tartanka musharaxiinta eesaaka tartanka isusoo taagay  waxay dhamaayeen shan iyo tobon musharax oo ukala tartamayay madaxwayne iyo madax wayne kuxigeen , waxaana tartanka madax waynaha isugu soo hadhay wareegii ugu dambaeeyay labada musharax ee kala ah C/raxmaan Maxamed(faroole)iyo GEN C/laahi Axmed Jaamac (ilkojiir), tartanka labadaas musharax waxaa kuguulays tay C/raxmaan Maxamed (faroole)oo helay afartan iyo sagaal qof codka wakiilada, halka uu C/laahi ilkajiirna ka helay todobiyo toban qof codka wakiilada.
 
Sidaasna waxaa noqday oo guulaystay madaxwaynaha DGPL mudane C/raxmaan (faroole). khudbad kooban oo uu jeediyay na wuxuu kusheegay in uu dalku kujiro xaalad aad uadagsida gobalo lahaysto. amniga oo hooseeya.sicirbarar iyo dhaqaalaha oo liitah, weaxaan ku dadaalayaa sidii aan arimahaas wax uga qaban lahaa , waxaa kale oo uu balan qaaday in todobaad ka soosocda aan soo dhisi doono xubnaha golaha xukuumada oo tayo fiican leh, keenina kara wax qabad miro dhalinkara.
 
Wuxuu kale oo  balanqaaday madax wayne (faroole) in sanad gudihiis aan kudiyaarin doono nidaamka asxaabta , siloogagudbo nidaamka wakiilada ee ay sooxulaan dhaqan ku , wuxuu kale oo sheegay inuu taageerayo dibu heshiisiinta hawlaha dawlada fadaraalka  soomaaliya , wuxuuna ugu baaqay dad ka koonfureed in ay soo dhistaan dawlad gobaleedyo puntland oo kale ah .
 
GEN. C/laahi (ilkajiir) wuxuu u hambal yeeyay mudane C/raxmaan (faroole), wuxuuna sheegay inuu ku qanacsan yahay sida uu uga heley dorashada madax waynaha , wuxuu na balan qaaday unuu lashaqayn doona maamulka Puntland.
 
Xaga tartanka madaxwayne kuxigeen ka waxaa ugu dambayn tii isugu soo haray  labada musharax ee kala ah GEN. C/samad Cali Shire iyo Saleebaan Ciise Axmed, wuxuuna tartanka doorashada kala heleen , GEN. C/samad wuxuu helay afartan iyo sadex qof codka wakiilada iyo saleebaan ciise oo helay labaatan iyo sedex qof codka wakiilada , waxaana sidaas  guushii kuraacday GEN. C/samad Cali Shire oo noqday madax wayne kuxigeen ka DGPL.
 
Waxaa kale oo gabagabeda doorashada goobta kahadlay oday C/laahi Yuusufa Axmed wuxuuna uhambal yeeyay C/raxmaan "(faroole) oo ku guulaystay doorashadii madaxwaynaha Puntland wuxuuna usoo jeediyay madaxwayne C/raxmaan (faroole) in uu sadex arimood uu is ka ilaaliyo kuna dhaqmo ,daganaansho, cadaalad iyo fudayddaro , wuxuu kale oo kula taliyay in uu so celiyo gobolada lahaysto ee Puntland, islamarkaana ilaaliyo midnimada labada gobal ee Puntland , uu na sugo abniga dhamaan gobaladaas .
 
Waxaa maanta magaalada Garoowe laga dareemayay mid uu sugan yahay amnigeedu , dad kuna kalaganac sanayaan oo isdhexmarayaan, doorashaduna ay sifiican ugahirgashay .
 
F.Q. Dr. Haarun Xasan, Garoowe

webmaster@ceegaag.com