shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudiga diiwaan galinta doorashooyinka Somaliland ee G/Sool oo Khalkhal galiyay amaankii iyo xasiloonidii magaalada Ceegaag.

(Ceegaag, January, 02  2009 Ceegaag Online) 

War hada nagasoo gaadhay Ceegaag ayaa tibaaxaya in Gaadhi siday qalabka diiwaangalinta iyo labo Sanduuq, uu xalayto si dhuumasho ah loosoo galiyay magaalada Ceegaag. Iyadoo taasi dhalisay xiisad iyo xasilooni daro ku timid degmada Ceegaag.

Mar aynala soo xidhiidheen maamulka magaalada ayaa noo xaqiijiyay in sanaadiiqdan ay keeneen niman aan u dhalan deegaanka. Nimankan keenay sanaadiiqda ayaa durdaba u baxsaday dhinaca magaalada Laascaanood, shaqaaqo ka dhalatay keenista qalabkan awgeed, sanaadiiqdii iyo qalabkii ayaa iminka lagu hayaa saldhiga Booliska ee Magaalada Ceegaag.

Magaalada ayaa aad u kacsan, anaga oo goor dhawayd ay noosuuro gashay inaan xidhiidh la samayno gudoomiyaha magaalada Cabdi Xaaji Cali Cilmi (cabdiriigle) oo siminaar la xidhiidha hayshan u jooga Laascaanood.

Gudoomiyaha oo ay weheliyaan qaarkamid ah masuuliyiinta degmada Ceegaag ayaa noo sheegay inuusan waxba ka ogayn sababata loogeeyay sanaadiiqdaa magaalada Ceegaag iyada oo uu Komishanku ogaa inuu ku sugan yahay magaalada Laascaanood. Isagoo dusha uga tuuray wixii dhibaato ah ee ka yimaada gudiga diiwaan galinta doorashada ee Gobalka Sool.

Gudoomiyaha ayaa noo shaagay inuu hada u ambabaxayo Ceegaag  si uu u ga hor tago isku dhac ka yimaada iska horkeenidaa ay fuliyeen gudiga diiwaangalinta doorashada ee G/Sool.

Wixii warar ah ee kasoo kordha xiisadan carqaladeesay nabadgalyada Ceegaag kala soco Ceegaag.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com