shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaramada Midoobay oo isku raacday in ciidamo loo diro Somalia.

(New York, January 17,  2009 Ceegaag Online) 

Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxay mabda’ ahaan isku raacay qaraar qabyo ay oo dawladda Maraykanka hor dhigtay Golaha Ammaanka kaas oo qeexaya in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay loo diro dalka Soomaaliya 1-da bisha June ee sanadkan.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale cusbooneysiiyay  muddo lix bilood oo hor leh joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya iyo in la kordhiyo ciidamadaasi oo la gaarsiiyo ilaa 8 kun oo askari sida ay horayba balalntu ahayd kuwaas oo lix bilood kaddib masuuliyadda nabad ilaalinta ku wareejinaya ciidamada ka socda Qaramada Midoobay.

Qaraarkan uu meel mariyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa dhaqan gelintiisa ay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isaga imaanayaan 21-ka bisha June ee sanadkan, xilligaasoo loo qabtay in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo nabad ilaalineed loo daabulayo dalka Soomaaliya kuwaasoo ay shaqadoodu noqon doonto inay sugaan ammaanka caasimadda iyo daafaheeda; in ay fududeeyaan in gar-gaar la gaarsiiyo dadka tabaalaysan iyo in ay ilaaliyaan hoggaamiyayaasha iyo shaqaalaha dawladda.

Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aankan ay dawladda Maraykanka soo hor dhigtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay guul wayn laga gaaray kaddib markii laysku raacay in Qaramada Midoobay ay ku lug yeelato arrimaha Soomaaliya,wuxuuna intaasi ku daray in dawladda Maraykanka ay ka go’an tahay inay Qaramada MIdoobay kala shaqeyso sidii ciidamo naba ilaalineed loo gayn lahaa dalka Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in dalal kale oo xubno ka ah Qaramada Midoobay ay muujiyeen sida ay arrintasi diyaarka ugu yihiin.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com